Afhayeenka Maamulka Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe dowladda Soomaaliya Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa faah faahin ka bixiyay kulan dhexmaray maamulka dowladda ee Degmada iyo sidoo kale odayaasha Balcad.
Afhayeenka maamulka dowladda ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee ay la kulmeen ay soo jeediyeen codsi ku aadan in Al-Shabaabka ku dhuumaaleysana Degmada Balcad dowladda ay gacanta ku dhigto.
Hadalkiisa isaga oo sii wata ayuu sheegay in maamulka dowladda ee Degmada Balcad uu balan qaaday in dhamaan Degmadaasi uu ka tirtirayo Ururka Al-Shabaab odayaasha deegaankana uu ka codsaday inay soo sheegaan cidii ka tirsan Al-Shabaab ee ay arkaan.
Degmada Balcad ayaa tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay kala wareegtay Ururka AL-Shabaab waxaa mar marka qaarkood ka dhacayay falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo dowladdana ay sheegtay inay wax ka qabanayso.
__________________________________________________________
![]()
|
![]() |
Socialize