Madaxweynaha Shariif oo qaabilay Danjiraha Turkiga

Mogadishu, Somalia, Aug, 12, 2012 - Maadaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kani Torun.

Danjire Cemalettin Kani Torun ayaa madaxweyne Shariif guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxweynaha iyo R/wasaaraha dalka Turkiga oo ku amaanay madaxweynaha guulaha ay dowladdu ka gaartay siyaasadda iyo ammaanka.

Mr. Torun ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya ugu hambalyeyneyso ansixinta dastuurka iyo ka gudbidda marxaladda KMG ah.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u sheegay danjiraha Turkiga in Soomaaliya ay xusuusnaan doonto xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dhinac iyo gurmadkii ay u fidiyeen dadkii Soomaaliyeed ee ay saameysay abaartii ka dhacday waddanka sanadkii hore.

———— Dhammaad————

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Mogadishu, Somalia | media@presidency.gov.so

______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.