Ciyaaryahankaan oo lagu Magacaabo Maxamed Faarax Loona yaqaan Mo Faarax ayaa ah Ciyaaryahan Qibrad u leh Oradka Dheer, waxaa uuna ahaa Tartankii xalay uu galay Tartankii Labaad ee uu ku Guuleestay Markii Labaad isla Tartamada ka socda Wadanka Ingariiska oo ay ku Qabanayaan Xiriirka Olanbikada Aduunka.
Mo Farax ayaa waxaa uu Dhawaan ku Guuleestay Tartanka 10 Kun Miter waxaa uuna ka Guuleestay Oradyahanada Aduunka oo ay Qaarkood ka mid Ahaayeen Rag Qabiiro ku ah Oradka dheer, waxaana uu 2 jeer Noqday Midka ay guushu Raacday.
Ciyaaryahankaani oo ah Soomaali Haatana u Ordayay Wadanka Ingariiska ayaa waxaa uu yahay mid ay Jecelyihiin Dadka Soomaaliyeed ee Xiiseeya Tartamada Oradka, Iyadoo Guulaha uu soo Hoynayo ay Magac ku Helayaan Wadanka Ingariiska.
![]() |
Socialize