Qaybtii 9aad ee qisadii:”Ila OOY!!!”

W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka) - Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?

Walaalkay waxuu kaligiis u yimid asigoonan ii sheegin ayaan fahmay, oo ku iri: « Waxba ha ku shakinin in qof dilay caruurtayda, ama ninkayga. Laakiin arin naga weeyn ayaa  qorsheeysnayd, Qaddarta Illaahna waa isku sii aadisay. Marka is deji uun.» . Waxuuna igu yiri inta yaabay: “ Maxeey tahay arinta naga weeyn ee qorsheeysneed? Waaba kaas qofka ka danbeeyay qofkaa  dilaaga ah oo xataa madfaca keenay, tiknikada Bile dardartayna watay?  Qofkaas waaye, ii sheeg, walaahi hadii aad iga qarisid isma sheegano ani iyo adi, waa ii aakhiro. Wax aan aheeyn qofkaas ma rabo ii dhaqso Fartuun…!” Waxaan u sheegay sheekadii ay ii sheegtay gabadhii adeegtada aheeyd, waa sii naxay, in  la afduubtay inuu rumeeysto ayuu ku sigtay, waxaansa u sheegay in ilmahayga jirkooda xataa hadii ay waxkasta bedelaan aan ku qaldi Karin dad kale, oo aan hubo in ay dunida ka tageen, dareenkayga hooyonimane taas ayuu ku dagay, Illaahna igu sabar siisay.

Anigoo kuu sii sabar siinaayo oo ku leh: “  Hadii ay noolyihiin aniga halkaan ma fadhin laheeyn aboowe… ilmahayga intaas beey dunida nagula lahaayeen…”  Waxuuna igu yiri inta hab i siisay, oo madaxa iga shumiyay: “ Maxaan sameeynaa hada? Tan kale warar aan jecleysanin ayuu Yaasiin ii sheegay oo ah in ay rabeen niman in ay Bile  dilaan yaa waaye nimankaas?”.  Ala dadkaan war badnaa, qasab miyaa in ay waxkasta sheegaan? Yaa Rabi, ma qasaaradii guriga dumaashigay iga soo raacday ayaan u sheegaa?.

Waxaana isku dayay in an ku qanciyo in aan ogeen dadka ay yihiin, xiligana aan rabin in aan arintaas ka hadlo, oo caafimaadka ninkayga ii yahay lanbar koow, waxyaabaha kalena  la iskugu imaanaayo. Waxuuna igu yiri: “ Ma waxeey kula tahay in aan dareemi Karin markii ay jiraan wax  dhibaayo walaashay iga yar? Waan arkaayay taksiga aad halkaan saacado ka hor ka qaadatay oo aad guriga dumashigaa Axmad ku tagtay, adigoo gabar dhaawacan wadane kaga soo laabatay. Nimankii ka soo baxay albabkaas dhamaan nasiib darro sida ay u qorsheeyeen in Bile adiga ku soo hooyanin ayeeysan xaasaaskooda iyo caruurtooda ugu hoyanin ayagane.

Ilaa ay ka sheegaan waxa ay idinla damacsanaayeen  ma sii deeynaayo. Bile haduu madi yahay maalinka uu ku guursaday ayuu walaalkeen noqday, dhiigiisane sida aan kaaga u leeyahay ayaan u leeyahay. Marka ma u baahnid biskoolaadaan abaayo, maxaayeelay ma joogo caawa qof wax dili karo oo shar kula rabo adiga Muqdisho, mana joogi doono, balan waaye Fartuun…” Warkaas waa ku farxay,  Alxamdulilaah. Shaydaamiintas wax iga qabto oo lug iyo laba jabsho ayaanba la’aa . Hadane waa ka murugooday in sababtayda loo dhibaateeynaa dumar iyo caruur islaameed oo wasaqnimada iyo hunguri weeyninka raggooda/aabayaashood aan waxba ka ogeen ayaa iga naxisay.

Waxaan la yaabay sida uu iila tashanin, oo uu u sameeyay wixii aan sameeyn lahaa hadii ay ii hari laheeyd awood aan ku sii dagaalamo, oo markaan aad baan u ahaa daciif, mana aqoonin xataa wax aan ka fekero, oo aad baan iskugu qasnaa, una dareemaayay kalinimo, iyo msuuliyad iiga weeyn, madaama lamaankaygii ku danbeeyay gacmaha dhaqaatiirta oo aan ogeen meesha ay arin kula dhamaan doonto Bile. Walaalkay waligay waa ogaa inuu yahay halyeey, maalin xun i badbadin doono. Sida uu u necebyahay xaqiraad, iyo awood isku sheegashada hadii xataa hal qof ee soomaali madaxdeeda ka mid ah u necban lahaa in dalkani hagaagi lahaa ayaan aaminsanahay.

Walaalkay waa qof shaqsiyad Illaah siiyay, waxa ugu weeyn ee qofkasta arko ay tahay dulmiga sida uu necebyahay, kana sii neceb qofkasta oo aan qadiyad laheeyn. Habeenkaan aniga iyo walaalkayga Jabriil  salaadii subax ayaa nagula aqimay fadhigeenii, waxuuna iigu maaweelinaayay in badan sheekooyin hore, iyo arimo aan aniga iyo asiga qasi jirnay, sida aan u dhib badneen, hadane qofkasta noo jeclaa, oo aan markasta u guuleeysan jirnay. Hooyaday ayaa tiri hada ka hor: “ Xaqa Rabiga igu abuuray ayaan ku dhaartee, Illaah waa iigu cadaabi lahaa danbiga iyo dhiiga ay magaaladaan ka dhigi lahaayeen afarta wiil iyo sadaxda gabdhood hadii Illaah ii siin laheeyn xooga iyo caqliga Jabriil oo xaqa aan waxb looga dari Karin.” Qof la kuleel ah, hadane la naxariis ah ma arkin weli, qof ka dagaal jecel, hadane ka gardarro neceb weli ma arkin. Gabar ay hada ka hor guur wada qorsheeynaayeen  ayaa igu tiri: “ Walaalkaa Jabriil sida aan ula noolaanaayo ma garanaayo, waayo waa Iimaan iyo xaadiis socdo…!” Aad baan ugu qoslay, waana ka xumaadaa in nasiib daradeeda ay weeysay ninkaas.

Waa ii dardaarmay, oo ila taliyay, iiguna waaniyay in aan waxba ka qarinin, oo aan ogaado in uu yahay maantay qofka kaliya ee xaqa koowaad igu leh, waajibka koowaadna IIaah iga saaray inta ninkayga xanuunsanaayo, oo masuuliyadiisa ka soo bixi karin. Sidaas darteed aan ka cabsanin in aan xaqayga la qaato, oo ugu yeero waajibkiisa hadii uu garan waayo. Alaahu akbar! Erayada macaan badnaa… xaq? Waajib llaahi ah dartiis inuu walaalkay ila dhashay waxkasta oo aan rabo ama aan hamiyo xataa iigu dhabeeyo oo saan rabo  iigu smeeyo? Yaa Alaah! Sideed u qiimeeysay qofta dumarka ah, sideesa dadka dunidaan joogo u garab mareen wanaaga aad la jeeshahay? Cajaaib!.

Waxuu ii balan qaaday in xafiisyada dhamaan asbuucaan xirnaan doonaan, laakiin dukaamada iyo baqaarada raashinka looga guro aan waxba la xireeynin, si aan loo xayirin macaamiisha. Kadibna uu keeni doono dad la hubo oo shaqada kala waddo, meelkasta  kontarooli doono, si buuxdane kaga warheeyn doono, sidaas darteed aan u bahneen in aan ka walwalo in wax ka mid ah maalkayga iyo kan ninkaygaba aan la xadi doonin, madaama nimankii xatooyada qorsheeyay wada xiranyihiin.

Culees weeyn ee saarnaa garbahayga ayaa iga dagay, anigoo ku kor ooynaayo ayaan ku iri: “ Alaha ii kaa deeysto aboowe. Abaalkaaga ma gudi karno, jaceylka aan kuu qabno iyo sida aan kuugu nahay daacad in an maalin uun ku tusi karno oo meel wanaagsan kaga soo bixi karno ayaan rajeeynaa…!” Wuxuuna yiri: “ Wixii waajib ah abaal gud ama mahadcelin ma lahan. Walaashay ayaa tahay, xaaladaada wa mid aan qalbigayga iyo damiirkayga ka dareemi karo, mana laga yaabo Illaah baan ku dhartee in qofna ku duleeyo ama kuu dhibaateeyo sababta in aad tahay qof dumar ah oo ninkii ahaa awoodeeda koowaad dhaawacmay, ilmaheediina tii Rabi qaadatay.

Walaaltinimo qiimo ma leh hadii ay ku xoojineeynin maalinka aad tahay daciifka, hadii aysan ku farxadgelineeynin maalinka aad xanuunsantahay, hadii aysan ku rajo gelineeynin maalin aad rajo dhigtay abaayo, ma lahan walaaltinimo micno. Illaahna dadka isku dhiig uguma dhigin is ay aqoonsadaan oo isfiirsadaan, ee in ay xaqa isku taageeraan, dulmiga iska reebaan, qofkoodii lagu soo xadgudbane u midoobaan oo ka celshaan dhibkasta, islana jeclaadaan wanaaga aakhiro iyo aduunba…” Waa iga tagay, waxuuna ii siiyay katiinad aan hadiyad ahaan ugu geeyay gabadhiisa bilaha jirto, iguna yiri: “ Wehesho! Abbaayo  Xasuusnaaw in aan isla leenahay waxkasta xataa waxa nool..!”

Wuuna baxay, inta hadalo aan maqleeynin dhaafsaday wiilashii ilaaliyayaasha ahaa. Anigoo sii fiirinaayo ayaa dhaqtarkii aan sugaayay oo inta dabcan i soo jeedin waayay garabka gacantiisa iga taabtay ayaan dareemay. Waa isku naxay, oo iska iri niyada: Kan wajigiisa ma fiicnee! Ma geeri kale ayuu kuu wadaa? Wadnahaa si xun ii garaacmay…………………………………………………………………

Aqriste la soco qaybta tobanaad ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!”

Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji:

 emailkaan: samsam_1989@hotmail.com |  10/08/2012 W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)

___________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login