Xasan Abshir Faarax oo sanadkii 2003 mar raysul wasaare ka noqday dawladii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa galabta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqayinuu u sharaxan yahay tartanka madaxtinimada dalka ee doorashada dhacaysa bishan 20keeda.
Xasan Abshir oo shir jaraa’id ku shaaciyey musharaxnimadiisa ayaa sheegay inuu goostay inuuxilkamadaxweynaha u tartamo kadib markii, sida uu sheegay uu arki waayey cid ka damqaneysa dhibaatada heysata Soomaalida.
“Waxaan u taaganahay inaan dalka, dadka iyo qaranka ku hogaamiyo nolol iyo nabad, waxaana ballanqaadayaa haddii talada wadanka la ii doorto inaan dhaqaale idinka rabin” ayuu yiri Xasan Abshir oo sidoo kale wasiir ka noqday DKMG ah iyo maamul goboleedka Puntland.
Wuxuu Xasan sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay masuulwadani ahoo daacadnimo ugu adeega dalka sibuu yiri, loo samatabixiyo dadka Soomaaliyeed ee labaatanka sano ku jiray dhibaatada qaarkoodna qaaradaha adduunka qoxootiga ku noqday.
Xasan Abshir wuxuu kaloo ka hadlay tirada faraha badan ee musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada Soomaaliya gaar ahaan kuwa beesha Daarood ee ku jira tartanka.
“Waxaan ka codanayaa musharixiinta kale ee beesha Daarood inay aniga ii tanaasulaan markan. Hadey diidaana waxaanleeyahay soo dhowaada wiilal iyo gabdho inta isa soo sharaxday”ayuu soo jeediyey musharax Xasan Abshir Faarax.
Xasan wuxuu noqonayaa musharixii 32aad ee shaaciya inuu ka qeybgalayo tartanka madaxtinimada doorashada lagu wado inay dhacdo bishan Agoosto 20keeda. Waxaana sidoo kale shalay musharaxnimadiisa ku dhawaaqay raysul wasaarihii hore ee DKMG Cali Maxamed Geedi oo ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Tartanka madaxtinimada wadanka ayaa maalin kasta waxaa ku sii biiraya dad hor leh iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay tirada sii kororto.
Dhanka kale waxay musharixiintu dadaal ugu jiraan sidii uu mid waliba u soo dhoweysan lahaa xildhibaanada ku guuleysta liiska baarlamaanka cusub, maadaama baarlamaanka uu yahay kan dooranaya madaxweynaha, sidaasi darted ayaa maalin kasta waxay musharixiintu mashquul ku yihiin la kulmida odayaasha dhaqanka iyo xildhibaanada la xaqiijiyey inay heleen kuraasta baarlamaanka cusub.
_________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize