Yuusuf Cali ‘Fareey’ oo ladilay!

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN - Kooxo hubeysan ayaa saaka toogasho ku dilay Yuusuf Cali Cusmaan ‘Yuusuf Fareey’ oo ahaa masuul ka tirsanaa wasaarada  warfaafinta xukuumada KMG Somalia kana mid ah rug cadaaga saxaafada Soomaalida.

Marxuum Yuusuf Cali Cusmaan ‘Yuusuf Fareey’ ayaa waxaa rasaas ku furay saaka kooxo bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo  qaaday xili uu ka soo baxay hoygiisa oo ku yiilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, kuna sii jeeday garaash isla degmadaas ku yaala oo uu kala  soo bixi rabay gaari uu lahaa.

Kooxihii dilka geystay oo dad goob joogatayaal ah ay sheegeen iney labo nin ahaayeen ayaa baxsaday, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan booliska dowlada KMG ah oo nawaaxiga goobta uu dilku ka dhacay ka wada howlgalo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii dilkaas geystay.

Marxuum Yuusuf Cali Cusmaan ‘Yuusuf Fareey’ ayaa xiligan ahaa u qeybsanaha dhinaca warbaahinta ee wasaarada warfaafinta, isagoo  xilal kala duwan ka qabtay isla wasaaradaas xiligii beri samaadkii iyo kan burburka, waxaana mar uu soo noqday agaasimaha guud ee wakaalada wararka Soomaaliyed  ee SONNA.

Ma jiro war ku saabsan dilka Yuusuf Cali Cusmaan ‘Yuusuf Fareey’ oo illaa hadda ka soo baxay wasaarada warfaafiinta ee xukuumada Somalia iyo saraakiisha amaanka dowlada KMG Somalia, hase ahaatee waxaa uu qeyb yahay dilal is daba jogah oo lagu hayey mudooyinkan bahda warbaahinta iyo dad kale.

_________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login