Afhayeenka militariga Uganda Felix Kulaigye ayaa sheegay in diyaaradahii aysan burburin

Militariga dalka Uganda ayaa maanta sheegay in la helay afar diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarada loo yaqaano kuwaasi oo horey loo sheegay in lagu waayay hawada dalka Kenya, kadib makrkii ay ka soo duuleen saldhigyo militari oo ku yaala dalkaasi kuna sii jeedeen dalka soomaali si ugu qeyb noqdaan diyaargarowga loogu jira weerar dhanka circa ah oo lagu qaado magaalada Kismaayo oo haatan gacanta ugu jirto maleeshiyada Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtay Idaacada CapitalFM ee kasoo badaxda dalka Kenya ayaa sheegay in Diyaaraha laba kamid ah laga helay ayna kusugan yihiin buuraha Kenya, iyada oo wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalkaasi Uganda isna uu sheegay in afhayeenka militariga Uganda Felix Kulaigye sheegay in diyaaradahaasi aysan burburin balse ay ku dageen qeybo kami ah dalka Kenya iyagoo bad-qaba.

Wararka ayaa haatan sheegaya in mid kamid ah duuliyeyaasha diyaaradahani uu farriin ka soo diray keynta Mt. Kenya oo ah dhul buuraley ah oo ku yaala gudaha waddanka Kenya isagoo codsanaya in gurmad loo sameeyo.

Saraakiisha gaashaandhighga Kenya ayaa sheegaya in duuliyahaasi uu u sheegay in askartiisa dhulka ku sugan iyo diyaaradahooduba ay u baahan yihiin taageero deg deg ah. Saraakiishu waxaa ay xaqiijiyeen in duuliyahaasi uu bad qabo isla markaana ciidamadooda ay wadaan dadaal ay ku doonayaan in ay ku samata bixiyaan isaga iyo askarta kale.

Ciidamada Kenya ayaa sheegaya in halka uu duuliyahani ka soo diray farrintani at tahay meel cimiladeedu ay aad u xuntahay isla markaana ay adagtahay in la gaaro.

Diyaaradahani ayaa maalintii axadda ahayd ka soo duulay saldhigga militari ee Soroti oo ku yaala waqooyiga Uganda, iyagoo ay markaasi saarnaayeen 28 askari oo ka tirsan ciidamada cirka Uganda, waxaana markii bambe lagu waayay hawada dalka Kenya.

Afhayeenka militariga Uganda Felix Kulaigye ayaa sheegay in mid kamid ah diyaaradahaasi ay ku degtay magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya iyadoo bad qabta balse lumisay xiriirkii ay la lahayd diyaaraddihii kale ee la socday.

_____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 13, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login