Warsaxaafadeed ay soo saareen maamulka AMISOM ayaa waxaa ka hadlay uqaabilsanaha African Union ee Soomaaliya Abmashatoor Boubacar Diarra ayaa dowlada Federaalka ku meelgaarka ah ku adkeeyay inay baaritaan looga hortegaayo dilalka qorsheysan eek a bilowday Musqisho ay sameeyaan.
Ambaashatoor Diarra ayaa sheegay yiri ‘inkastoo ay yaraadeen rabshadihii kasocday caasimada hadana waxaa soo korkadhaya dilalka qorsheysan taasoo lala eegto mas’uuliyiinta dowlada, saxaafada iyo ganasatada.
Maamulada dowlada ee qaabilsan dhanka amaanka waa inay bilaabaan baaritaano cilmiyeysan ayna kusoo qababtaan dadka kadanbeeya dilalkaan qorsheysan si looga hortaho ayuu yiri mustaqbalka kuwa falalka noocan ah geysta.
Ambaashatoor Diarra wuxuu cambaareeyay dilkii loo geystay Marxuum Maxamed Rage oo ahaa ganacsade can ah iyo dilkii isna loo gelsyay Marxuum Yuusuf Cali Cusmaan ’Farey’ Director u qaabilsan xagga saxaafada wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ahaana suxuufi ruug cadaa ah iyo Suxuufiga Maxamed Cali Buneeste taasoo uu yihi ambaashatoor Diarre inay noqoneyso qofkii 7 ee lagu dilo dilal qorsheysay caasimada dhexdeeda mudda usbuuc ah.
Hal sitimaan ka hor ayay aheed marki Muqdisho laga saaray maleeshiyaadkii Shaba bee xiriirka la lahaa ururka Alqaacida taasoo soo celisay xasilooni ka dhalatay caasimada Muqdisho muddo aad u dheer.
Dilalkaan qorsheeysan kasokoow, sanadkaan waxaan kor u kacay ganacsiga iyo dhismaha caasimada Muqdisho iyadoo kumanaan kun oo muqaadiniin Soomaaliyeed ah ay ka faa’iideysanayaa xasiloonida ay hesgay caasimada Muqdisho.
Horumarka dhanka siyaasada ee lagu talaabsadayna uu dardar geliyay in la ansixiyo Dastuur ay yeelato Dowlada Soomaaliya, taasoo jidja u xaareysa dowlada ay yeelato Dalka Soomaaliya loogana boxo kumeel gaarnimada.
_________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login