QM oo muujisay welwelka ku aadan dadka rayidka ah ee Kismaayo!

Nayroobi (14 Agoosto 2012) – Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada oo muujiyey welwelka uu ka qabo halista ay ku jiraan dadka rayidka ah ee Kismaayo. Madaxa iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mark Bowden, ayaa maanta soo saarey hadalkan:

Aad ayaan uga welwelsanahay wararka dhowaan soo baxay ee tilmaamaya dhaawaca iyo dhimashada dadka rayidka ah ee ku sugan Kismaayo dhowaan ka soo gaarey hub ay soo rideen maraakiib iyo duqeymo xagga cirka ah. Maaddaama ay muuqato in lagu dagaalami doono gacan ku haynta magaalada, waxaan mar kale ku celinayaa baaqeygii aan dhammaan dhinacyada colaadda ku lug leh ugu baaqayey in ay dadaal kasta ku bixiyaan yareynta raadka uu iskahorimaadku ku yeelanayo dadka rayidka ah iyo in ay oggolaadaan in gargaarka bani’aadamnimada uu si buuxda u gaaro dhammaan dadka u baahan.

*******************************************************************************

Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir: Russell Geekie geekie@un.org  ama +254 731 043 156 ama faallo Af-Soomaali ah kala soo xiriir Abdi Yussuf Noor nooryussuf@un.org  ama +254 734 210 103

____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 14, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login