TOP NEWS.. Maxaa ka taqaanaa dadka loo diiday Baarlamaanka in ay ku biiraan..

Warar laga soo tabiyay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in magacyo lagu taxay liis dheer oo beesha caalamku ka digtay in lagu darro Baarlamaanku ay sahayatay rag badan oo caan ku ahaa dhaqdhaqaaqyadda ka socda Somaliya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka saacadihii u dambeeyay ay dib u soo celiyeen qaar ka mid ah liisaskii xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ee ay gudbiyeen beelaha qaarkood.

Magacyada la celiyay waxaa ku jira shakhsiyaad hore loo sheegay inay ku jiraan Baarlamaanka cusub kadib markii beelaha ay ka soo jeedaan ay soo gudbisteen.

Mid ka mid ah xubnaha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay cuskadeen shuruudo illaa toddoba qodob ah oo ay u adeegsadeen kala shaandheynta xildhibaanada baarlamaanka. kuwaasoo hore loogu soo dejiyey guddiga inay raacaan.
Waa kuwama shakhsiyaadka la soo celiyey?

Dadka la soo celiyey waxay kor u dhaafayaan illaa 50 ruux, waxaana arintani durba ay dhalisay dhaqdhaqaaq ka dhex socda odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin saameyn ku leh xulista baarlamaanka, kuwaasoo hadda raadinaya siddii ay u heli lahaayeen dad kale oo u bedela boosaska lagu soo celiyey.

Magacyada illaa hadda la helay waxaa ka mid ah;-

  1. Maxamed Qanyare Afrax (Waxaa keensaday beeshiisa. Wuxuu ka soo jeedaa Murusade/Hawiye).
  2. Bootaan Ciise Caalin. (Waxaa keensaday beeshiisa. Wuxuu ka soo jeedabeesha Dududle/Hawiye)
  3. Aadan Saransoor (Waxaa keensaday beeshiisa. Wuxuu ka soo jeedaa Hadame/Mirifle).
  4. Maxamed Ibraahim Xaabsade (Waxaa keensaday beeshiisa. Wuxuuna ka soo jeedaa Leysaan/Mirifle)
  5. Xasan Abshir Faarax (Wuxuuna ka soo jeeda Ciise Maxamuud/Majeerteen). Dood dheer kadib waxaa booska Xasan Abshir lagu bedelay walaashii Sureer Abshir Faarax. Xasan Abshir waxaa uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax.
  6. Xasan Sheekh Maxamuud (Waa musharax xisbiga PDP. Wuxuu ka soo jeedaa Wacaysle/Abgaal, waxaana baarlamaanka u qortay beeshiisa).

Liis ka yimid beesha caalamka

Sida wararku sheegayaan guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka waxaa loo dhiibay liis ay ku qoran yihiin illaa 215 magac oo lagu sheegay inay yihiin shakhsiyaad mabnuuc ka ah siyaasadda Soomaaliya, waxaana liiskaasi ugu badan oo ku jira hogaamiye kooxeedyada iyo xildhibaanadii hore ee baarlamaanka.

Waxaana la wariyay in taasi keentay in liis kasta oo loo soo gudbiyo guddigu ay ka eegayeen kan beesha caalamka.

Waxaa kaloo jira toddobo qodob oo hore loogu dejiyey in loo adeegsado xulista baarlamaanka cusub.

_____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 14, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login