Xagee Mareen Lacagihii Olympic Solidarity ugu talagashay diyaarinta Zamzam iyo Maxamed?

Sida aanu ka war qabno beryahaan bahda sportiga Somaliya gaar ahaan iyo shacabka Somaliya guud ahaan waxey la hadal haayeen ka qeyb galka cayaartoyda Somaliya ugu qeyb gasahy cayaaraha London Olympics 2012.

Waxaa murugo badan leh in afka la marsado kharajkii Olymic Solidarity ugu talo gashay diyaarinta cayaartoyda iyo tababaryaasha ka qeyb galaayo tartanka cayaaraha London Olympics 2012 oo dadka lagu habaabiyo mashquulna laga dhigo waxyaabo kale oo aan micno laheyn sida Cabdi Bile wuu diiday calanka inuu qaadao, hebel iyo hebel is ma salaamin, iyo hebel wuu I haruufay oo sanka buu ii taagay.

Hadaba dhabtu waxey tahay in Olympic Solidarity ay qorsho diyaarisay 2009-2012 ayna ugu talo gashay wadamada ka qeyb galaayo cayaaraha si loo diyaariyo cayaartoyda, Tababarayaasha iyo maamulka ka qeyb galaayo cayaaraha kala duwan sida Feerka, Oradada, Dabaasha IWM:

 Breakdown of the 2009–2012 budget
World Programmes USD 134,000,000
Continental Programmes USD 122,000,000
Olympic Games Subsidies and Forums USD 42,000,000
Administration / Communication USD 13,000,000

Total Amount:

USD 311,000,000
Breakdown of the “ World Programmes ”budget
Athletes USD  61,000,000
Coaches USD  26,000,000
NOC Management USD  32,000,000
Promotion of Olympic Values USD 15,000,000

Total Amount:

USD 134,000,000
Breakdown of the “ Continental Programmes ” budget
ANOCA ( Africa ) – 53 NOCs USD 26,671,000
PASO ( America ) – 42 NOCs USD 21,228,000
OCA ( Asia ) – 44 NOCs USD 22,257,000
EOC ( Europe ) – 49 NOCs USD 25,089,000
ONOC ( Oceania ) – 17 NOCs USD 14,198,000
ANOC USD 12,557,000
 Total Amount: USD 122,000,000

Africa keliya oo ay Somaliya ay ka mid tahay ayaa waxa loogu talo galay 26,671,000 si ay u diyaariso cayaaraha All African Games.

Waxaa Warbixinta Olympic Solidarity ku qoran in cayaartoyda lagu diyaarin karo wadankiisa ama dibada si uu u qaato tababar fiican oo qorsheysan ka dibna ka qeyb galo cayaaraha kharajka ku baxana waxaa bixinaaya Olympic Solidarity .

Haddii ay cayaartoyga Gudiga Olympicada wadankiisa ay doorbidaan iney in tababar lagu siiyo wadanka gudahiisa waxaa loo soo shubaa lacagtii loogu talo galay diyaarintiisa. Sidoo kale tababarayaasha cayaaraha kala duwan iyo maamulka gudiga Olympic-da iyaguna waxaa loo dirayaa Scholarship wadanka dibadiisa si ay u soo qaataan tababaro casri ah.

Olympic Solidarity waxey ka fulisay magaalada Muqdisho barnaamij ku saabsan horumarinta maamulka ururka Olympica-da Somaliya. Barnaamijkani waxey isku wada xiran yihiin barnaamijkii loogu talo galay diyaar gelinta cayaartoyda iyo tababarada waxaana leysku yiraahdaa “World Programmes” oo hal mar ayaa la dalbaa lacagtoodi ama saddex sano ka hor inta eysan ciyaaraha bilaaban.
Fadlan Guji link-ga si aad u akhriso barnaamijka Olympic Solidarity ay ka fulisa magaalada Muqdisho
http://newsblaze.com/story/20120622133351shaf.nb/topstory.html
Hadaba waxaan weydin lahaa Madaxda Gudiga Olympic-da Somaliya iney soo gaaratay qaybtii loogu talo galay cayaartoyda iyo xaga ay martay lacagahaasi? Maxaa keenay in Zam Zam marka ay soo gaartay “Finishing Line” ay dhacdo? Kharjaka ay ku soo dhoofeen ticket-ka IWM Yaa bixiyay ma GOS, Dowladda Somaliya, Shacabka Somaliya ama Olympic Solidarity? Waa su’aalo da’a weyn oo u baahan in laga jawaabo.
Naga dhowra dhowaan lacagtii Olympic Solidarity ay u soo dirtay GOS inta ay la ekeed iyo warbixintii GOS oo ku aadan habka loo bixiyay lacagtaasi
Wixii faa’faahin dheraad ah halkan hoos Riix(Click)

PDF File

______________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 14, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.