Aqriso Magacayada gudiga farsamda DKGMS

Guddiga farsamada ee dowlada u xilsaartaysoo xulista Baarlamaanka ayaa soo celiyay in ka badan 50 xubnood oo ka mid ahaa  xubnaha beelaha ay gudbiyeen , waxaana  xubnaha beelaha ay gudbiyeen ee la soo celi ayaa u badan xubna ka tirsan Xarakada Alasheekh  , hogaamiya kooxeedyadii hore iyo wasiiro ka tirsanaa xukuumadihi hore    kuwaa oo sheegeen guddiga farsamada in ay matali karin xubnaha Baarlamaan Soomaaliyeed maadaama ay ka soo qeyb qaateen burburinta wadanka  oo aan loo saamaxeeyn xilligaan in ay xubin ka noqdaan dowlada soo socota , iyadoo qaarkood lagu eedeeyay lunsasha lacag xilliga  ay ahaayeen wasiirada .

Shabakada Markonews.com ayaa heshay magacyada qaar ee xubnaha ay soo celiyeen guddiga farsamada ee  u xilsaaran sooo xulida Baarlamaanka  , Magacyadaa waxa u badan hogaamiya kooxeedyadii hore ee Soomaaliya , gacan yarayaashoodi iyo xubna ka tirsan xarakada Madaxweynaha uu ka tirsan yahay ee Alasheekh.

Magacyada ay Markonews heshaya ayaa waxaa ka mid:

  1. Max’ed Qanyare Afrax iyo wiilkiisa
  2. Muusa Suudi Yalaxoow
  3. Salaad Cali Jeele
  4. Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere)
  5. Sheekh Adam Madoobe
  6. Barre Aadam Shire ( Barre Hiiraale)
  7. Maxamuud Sayid Adam
  8. Col Isaaq Biixi
  9.  Cabdi Xassan Cawaale Qebdiid
  10. Xuseen Ceeydiid
  11. Yuusuf Mire Seeraar
  12. Max’ed Siciid Xirsi (Moorgan)
  13. Cumar Finish
  14. Bootaan Ciise Caalim (Xaaraan ku naax)
  15. Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacade .

Dhanka kale xubnaha Xarakada Ala sheekh ee la soo celiyay ayaa waxa ugu cad:

  1. Sheekh C/Qaadir Cali Cumar
  2. C/Kariim Xassan Jaamac

Sidoo kale xubnaha la soo celiyay ayaa waxaa kamid ah wasiira hore oo ka tirsanaa xukuumadihi la soo maray dalka, waxaana ka mid:

  1. Musharaxa C/Raxmaan C/Shakuur
  2. Jurinle

iyagoo lagu eedeeyay in ay lunsadeen lacago xilliga ay ahaayeen wasiirada, waxaana sidoo kale xubnaha la so ceiyay  kamid ah laba wasiir oo ka tirsan xukuumada Gaas oo kala ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/Samad Macali iyo  wasiirka naftada iyo macdanta C/Qaadir Dhicisow.

Hadaba guddiga farsamada soo xulida baarlamaanka ayaa ah kuwa awood u leh wax kabadalka liiska magacyada ay gudbiyeen beelaha , waxaana arrintaan ay umuuqata in hogaamiya kooxeedyadii hore iyo shaqsiyaadka qaar ee loo heeysta musuq maasuq  ay ka soo muuqan doonin baarlamaanka cusub .

_____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 15, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login