BREAKING NEWS… Dagaal haatan ka soconaya deegaanka Xudur

Dagaalo xoogan ayaa waxay caawa ka qarxeyn Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, iyadoo dagaalada caawa ay yihiin kuwo ay faraha uga gubanayaan dhinacyada caawa ku dagaalamaaya Magaalada Xudur.

Dagaaladaan ayaa waxay yihiin kuwo qorsheysan oo ay soo qaadeen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, waxaana iska caabin xoog leh ugala horyimid Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Dowladda Itoobiya.

Dagaalada oo markii hore ka qarxay duleedka Magaalada Xudur ayaa waxay dagaalada ku soo fideen gudaha Magaalada Xudur, markii Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay soo jiireyn daafacyadii Ciidamadda Huwanta ay ku lahaayeen daafaha Magaalada Xudur.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in shacabka ku dhaqan Magaalada Xudur ay caawa soo wajahday xaalad adag, kadib markii Magaalada ay caawa noqotay mid ruxmaneysa, oo ay ruxayaan hubka cul culus oo ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Magaalada Xudur ay horey ugu sugnaayeen gurmadyo xoog leh oo todobaadkii hore ay soo gaareyn Magaalada Xudur, kuwaa oo caawa ka qeyb qaadanaaya dagaaladaan.

17-kii bishaan barakeysan ee Ramadaan ayay ahayd markii Xarakada Al Shabaab ay ku soo qaadeen dagaalo culus, oo ay ugu magac-dareyn maalintii uu dhacay dagaalkii weynaa ee Beder, ee lagu laayay Gaaladii Qureysheed.

__________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 15, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login