Xukuumada Sweden oo noqotay wadanka labaad taageera Qoxooti

Warbixin la soo saaray ayaa sheegay in dalka Sweden uu noqday Waddanka Labaad ee dalalka Midowga Europe ee laga soo dhaweeyo dadka Qaxootiga ee ka imaanaya dalalka ay colaaduhu ka socdaan.

Idaacadda Swedish Radio News, ayaa sheegtay in dalka Jarmalka yahay kan ugu horreeya dalalka Reer Galbeedka ee Qaxootiga laga soo dhaweeyo.

Waddanka Sweden, ayaa la sheegay inay sii kordhayaan qulqulka Qaxootiga magangeliyo-raadiska ah, iyadoo Toddobaadkii hore oo keliya ay Dowladda Sweden aqbashay codsiyadooda 227 qof oo u dhashay dalka Suurya, kuwaasi oo ka soo cararay dagaalladda u dhexeeya Dowladda iyo mucaaradka Suurya.

Cecilia Wikström oo xubin ka ah Xisbiga Swedish Liberal Party ayaa ugu baaqday 27-ka Dowladood ee xubnaaha Ururka Midowga Euroe ‘EU’ inay wada yeeshaan Mas’uulioyad Mideysan, si loo qaabilo Qaxootiga Shisheeyaha ee ay colaadaha soo sal-kicinayaan.

‘Waa muhiim inaynu hal cod oo mideysan ku hadalno, ee ma ah inaan 27 cod ku hadalno’ ayey tiri Wikstrom oo wareysi siinaysay Swedish Radio News, waxay intaasi sii raacisay inay waajib tahay in Qaxootiga ku guuleystay inay ka soo baxsadaan colaadaha helaan dhabaha saxda ee ay ugu noolaan karaan Europe.

Qaxootiga Reer Suurya, ayaa la filayaa inay sannadkan noqdaan Qaxootiga ugu badan ee  Soo-galootiga Shisheeyaha ee magangeliyadda ka helayo dalka Sweden.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxootiga ‘UNHCR’ ayaa horey u shegtay inay ugu yaraan 150,000 oo Qaxooti u dhashay dalka Suurya oo ka soo cararay dagaalladda ka socda dalkooda hooyo ay u kala firxadeen dalalka deriska la ah Suutya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 15, 2012. Filed under Uncategorized. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.