Safaaradda Kenya, Maalinta ciidda iyo carruurta qaxootiga!

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa wada olole maalmaha farxada Ciidul Fidriga ee inasoo aadan looga farxinayo caruurta Soomaaliyeed ee kujira xeryaha Qaxootiga ee dalkaasi ayadoo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Kenyana Safaaraddu ka codsatay iney farxadda carruurtaasi ka qeyb qaataan.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi uu kala hadlay sidii ay uga farxinlahaayeen carruurta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi gar ahaan xeryaha qaxootiga.

“waxaa soo dhow ciidul fidriga oo fooda inagusoo heysa waxaana waajib ah in cid kasta oo awooda ay ka farxiso maalmahaasi farxadeed sidaas darteed ayaan ugala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan iney Carruurta Soomaaliyeed ay u fidiyaan gargaar la xiriira ciida waayo waalidiinta qaarkood ma awoodaan iney carruurtooda ka farxiyaan,wax weynna uma baahna”ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ku ammaanay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi sida ay had iyo goor u garab taagan yihiin amaba u taakuleeyan dadka Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga.

Dhanka kale Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka warbixiyey deeqo ay dhowaan Safaaraddu u qeybisay dadka Soomaaliyeed ee ku nool xaafadda Islii waxaana uu safiirku xusay in deeqahaasi kala duwan ay safaaraddu bisha barakeysan aawgeed ugu talagashay in lagu afuriyo dadka aan waxba heysan ee ku nool xaafadaasi.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa had iyo goor sameysa barnaamijyo lagu taakuleynayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga dalkaasi Kenya ayadoo Safaaradda lagu xasuusto in sanad walba waqtiyadan oo kale ay taageerro u fidiso dadka qaxootiga ah ayada oo iskaashi la sameyneysa ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka kale ee uu Alle wax siiyey.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 16, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login