Barnaamijka doorashada Soomaaliyaa!!!

C/salan Xuseen Cumar (Joker)

Doorashada madaxweynanimo ee Soomaaliya waa aay soo dhawaatay waxaana ka haray maalmo koobaan waxaan halkaan idiin kugu soo gudbin doonaa warbixino la xiriira doorashada Soomaaliya waxaan ku eegi doonaa dhinacyada amaanka, dhaqaalaha,  siyaasada iyo waliba wararkii ugu danbeeyay ee la xiriira doorashada Soomaaliya.

Dhanka siyaasada

Muqdisho waxaa hada kusugan in kabadan 30 musharaxiin ah ku was oo u taagan qabashada xilka madaxweynanimo ee Soomaaliya, marka la eego u diyaar garowga musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynanimada Soomaaliya waxaa ka jiraa magaalada hardan siyaasaded kaas oon dhahi karno waa kii ugu weynaa ee ebed ka dhaco Muqdisho.

Magaalada ayaa la liicliiceeysa siyaasiyiin Soomaali ah iyo diplomasiyiin ka socda caalamka ururo siyaasadeed iyo waliba qurba jog Soomaali ah kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalka si aay uga qeeb qaataan howlaha doorashada, waxaa kaloo jira olole balaaran kaas oo aay sameynayaa mid waliba oo ka tirsan musharaxiinta asigoo muujinaya awood kasta ee ugu soo bixi karo ama uu ku heli karo taageero gudaha iyo waliba mid dibadaa taas oo uu is dhihi karo ameey gacan kugu siisaa ku guuleeysiga xilka madaxweynanimo ee Soomaaaliya.

Dhanka habsami usocodka arimihii looga gudbaayey Roadmap-ka, waxaa soconaayo soo dhameestirka xubnahii baarlamaanka taas oo hada la sheegaayo in la helay tiradii ugu badneed in kasto oo aay harsan yihiin xilibaano kale kuwaas oo u badan kuwo lagu celiyay odayaashii dhaqanka, xubanaha lagu celiyay odayaasha waxaa ka mida siyaasiyiin si aada ugu dhexjiray siyaaada Soomaaliya 5tii sano ee lasoo dhaafay waana mid kamida guulaha aay Soomaaliya ka gaaartay dhanka siyaasada iyadoo aan ogsoonahay in doorashooyinkii hore aaysan jirin cid awood u lahed ineey hubiso ama aay diido dadka aan u qalmin ineey qeeb ka noqdaan golaha sharci dajinta dalka.

Gudiga soo xulida baarlamaanka oo ka kooban27 xubnood ayaaa muujiyay awooda uu u leeyahay in uu soo xolo xubno u qalma baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayagoona kala hubinaya dadka loo soo gudbiyey iney soo buuxiyeen sharuudihii laga rabay iyo in kale.

C/salan Xuseen Cumar (Joker)  | salaanyare18@hotmail.com

_______________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 17, 2012. Filed under Faalooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login