Madaxwyanaha dalka Koofurta Afrika Jacob Zuma ayaa balan qaaday in baaritaano buuxa lagu samaynayo dhacdooyinkii naxdinta lahaa ee dalkaasi ka dhacay.
madaxwayne Jacob Zuma ayaa sheegay in uu dhisayo gudi baaraya dilkii ay ciidamada Police-ka Koofur afrika u gaysteen dad ay rasaas si ula kac ah ugu fureen,kuwaasi oo aha ashaqaale macdan qodoyaal ah oo mudaharaad dhigayay kana cabanayay in loo kordhiyo mushaaraadkooda.
ilaa iyo 34 ruux ayaa ku dhintay iyadoo 78 qof ay sidoo akle ku dhaawacmeen rasaas ay qaab ula kac ah ugu fureen ciidamada amaanka koofur afrika waqooyi bari ee dalkaasi.
madaxwaynaha koofur afrika ayaa cambaareeyay falkaais waxa uuna tacsi u diray dhamaan hehelada iyo shacabka dalkaasi,isagoo sheegay inuu booqanayo qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay falkaasi.
Ciidamada Police-ka Koofur afrika ayaa qaab bareer ah u toogtay shaqaale macdan qodayaal ah taasi oo dhalisay caro badan iyo cabaarayn loo jeedinayo.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login