Madaxwaynaha Dalkani Kenya Mr Kibaki ayaa sheegay in Kenya ay cuna qabatayn ku soo rogi doonto hogaamiyayaasha Soomaalida ah ee Minjaxaabinaya geedi socodka Xiliga kala guurka iyo Geedi socodka Nabada Dalka Soomaaliya.
Madaxwayne Kibaki ayaa uga digay Hogaamiyayaasha soomaalida in ay minja xaabiyaan hanaanka geedi socodka Xiliga kala guurka ah iyo heshiiska Road Mapka.
Madaxwaynaha ayaa farta ku fiiqay in Kenya aysan Marnaba u dulqaadan doonin shaqsiyaadka caqabada ku ah heshiiska Road Mapka iyo iyo hanaanka geedi socodka nabada dalka Soomaaliya.
Mr Kibaki Madaxwaynaha Dalkani Kenya ayaa dadka Soomaalida ugu baaqay in ay ka feejignaadaan islamarkaana ka dhiidhiyaan shaqsiyaadka minja xaabinaya hanaanka geedi socodka nabada dalka Soomaaliya.
Madaxwayne Kibaki ayaa sidoo kale xusay in Dawlada Dalkani Kenya oo daris dhaw la ah Soomaaliya ay siwayn u soo dhawaynayso doorgii bogaadinta mudnaa ee lagu ansixiyay Dastuur uu yeesho Dalka Soomaaliya.
Share on Facebook
![]() |
Socialize