Minxooyinka waxbarasho ee Somalia oo musuq kusoo dhamaaday

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayey musuq maasuq la sheegay in lagu sameeyo deeqaha waxbarasho ee ay Soomaaliya ka hesho dalalka caalamka.

Waddanka ugu badan ee muddooyinkaan Soomaaliya siinaayey deeqda waxbarasho waa dalka Turkiga oo iminkaba arday badan oo Soomaali ah ay wax ka bartaan.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in arday laga soo uruuriyey gobolada dalka ay muddo bilooyin ah ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kuwaasi oo sugaayay in waxbarasho loogu qaado dalka Turkiga.

17-kamid ah ardaydaasi waxaa laga keenay gobolada waqooyiga dalka ee Somaaliland, waxayna ilaa Bishii Janaury deganaayeen Hotel ku yaalla Degmada Xamarweyne ilaa iyo hadda ma helin deeqdii waxbarasho ee Muqdisho loo keenay.

Drs. Nuuro Faarax Jaamac oo kamid ah aqoonyahana Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ardaydaasi lacag badan loo haysto islamarkaana aysan ka bixi karin Hotelka ay ku jiraan, waxay tilmaamtay in dadkii Muqdisho keenay ka dhuunteen, ugu dambeyn Nuuro waxay Dowladda iyo cid kasta oo wax ka qaban karta arrintaan ugu baaqday in wax laga qabto dhibaatada haysata dhalinyaradaasi.

Dhanka kale wasaaradda waxbarashada oo qayb ka ah dhinacyada lagu eedaynaayey dhibaatada haysata dhalinyaradaan iyo musuq maasuqa lagu sameeyey deeqaha waxbarasho ayaa iska fogeysay.

Muuse Faarax Xayt waa Agaasimaha wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare khadka taleefanka ayaan kula xiriirnay, waxaana aan wax ka waydiinay waxay ay wasaaraddu ka ogtahay arrintaasi, waxaana uu sheegay in aysan wax shaqo ku lahayn warkoodana ay saxaaafadda ka maqleen.

Sikastaba arrintaan waxay qayb ka noqonaysaa musuq maasuqa dhinaca kasta ka ragaadiyey bulshada Soomaaliyeed, iyadoo intii dalku bur burka ku jirayna la sheegay in musuq maasuqa ku qaan gaaray qaybaha kala duwan sida hay’adaha Dowladaha KMG ah ee dalka isaga dambeeyay, bulshada dhex-dhexdeeda, hay’adaha maxalliga iyo xitaa kuwa caalamiga ah.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 18, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.