Iyadoo xalay la shaaciyay inta badan xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya kamid noqonaya ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in maanta xildhibaanada inta badan loo sameynayo kaararka Aqoonsiga.
Malaaq Cali C/raxmaan Shiino oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ayaa wuxuu sheegay in liiska Xildhibaanada cusub ee lasoo bandhigay, waxaana uu intaasi ku daray in Xildhibaanada Baarlamaanka cusub maanta marka loo qaybiyo kaararka kadib ay berri dooran doonaan Guddoomiye KMG ah oo loo dooran doono ninka ugu da’ada weyn.
Wuixuu sidoo kale sheegay in maalinta Isniinta ah ay yeelan doonaan kulan islamarkaana go,aan ay ka gaari doonaan doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
Xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaan weli lasoo dhameestirin waxaana iminka la shaaciyay kaliya tiro gaareysa ilaa 202 xildhibaano kuwaasi oo hada si hordhac ahaan ah loosoo bandhigay liiskooda.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login