Ciida Soonfur iyo Dabaaldegga Muqdisho

Magaalad Muqdisho oo caawa lagdareemaayo ciida iyo buleero lagariday xarunta madaxtooyada.

Magaalada Muqdisho ayaa caawa ka badlan sidii aay aheyd ciidihii lasoo dhaafy iyadoo dadka reer muqdisho aay ku soo baraarugen dabaal degyadii lasamen jiray intii aay jirtay dowladii dhexe ee soomaaliya waana mid aan horay  looga baran marka la eego dabaal degyada soconaayo caawa .

Ka dib salaadii maqrib markii laga soo baxay afurka waxaa qabsada hawada Muqdisho buleero laga ridaayey xarumaha dowlada gaar ahaan aqalka madxtooyada ,sidoo kale waxaa dhamaan magaalada laga maqlaayey risaasta qoryaha noocyadiisa kala duwan iyadoo aay is qabsatay iftiinka tareesada taas oo loogu dabaal degaayey ciida soonfur oo caawa ka biltay caalamka intisa badan .

Arintaan ayaan ahen mid looga bartay magaalada muqdisho 20kii sano e lasoo dhaafay waana mid farxad galineeysa rajada laga qabay Soomaaliya bal in wax iska badalaan xaaladeeda.

___________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 19, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login