DOOD QARAN IX qeybta sagaalaad

Cabdulqaadir Aaden Mohamuud “Jangeli”

Akhriste qaab qoraalkaan waxuu u sameysanyahay sidii riwaayad, haseyeeshee wuxu ku saleysanyahay dood qaran oo muujineysa xaaladdaa Soomaaliya, wuxuuna ka koobanyahy qyebo taxane ah oo labo ama saddex bog ku soo baxaya marwalba. Magacyada aad halkaan ka akhriyidoontid qaarkood waa sarbeeb  ka soo jeeda magac qof jira.

Doorashadii madaxda dalka hoggamin lahayd ayaa mardhow soo gabagaboobeysa oo xulidda xildhibaanada ayaa aad loogu mashquul-yahy.Ragga dartamayaana qaarbaa guryohoodii xaraashay qaarkalena xigto iyo xigaalo, saaxiib iyo macruuf inaty gaarkareen ayey gacanta soo mariyeen, si ay laaluush ugu bixiyaan helidda kursiga xildhibaanimada.

Intaas waxaa dheer ragga madaweynaha u tartamayaa in xilsugayaasha xildhibaanada u sii qadimeen laaluushikii si ay ugu bixiyaan laalushka odoy dhaqameedyadu ku xireen. Diiriye Hingo oo sii wada baaristiisii aragtida bulshad waxa ka socda Soomaaliya ayaa yimid gurigii Bile iyo Suuban oo ayjoogaan Dr. Mukhtaar, Cabdullahi, Carte iyo Shaiir Mooge oo Muqadisha ka soo galay maantay.

DIIRIYE HINGO: Salaamo Cayleykum akhyaarta!
BILE: Caleykuma salaam! Soo dhaowow Diiriye Hingo.
DIIRIYE HINGO: Waa wareey! War ninkaani ma Moogaa?
CARTE: Shariif Mooge dheh!
DIIRIYE HINGO: Mooge-na ma Shariif buu la baxay, awal-baan la yaabanaa mid saan shalay la kulmay oo Mudugh ka yimd oo la yiraahdo Shariif Geele. Ismaba- qaadi karaan Geele iyo Shariif. Waa umuuraha iyo waxa Soomaaliya waayahan  ka socda. Adoo raali ka noqnaya far-ku-fiiqidda Shariif-nimadaada, bal nooga warran Muqdisha iyo waxa ka socda.

SHARIIF MOOGE: Uguma horreysaan dadka cilaaqda ka keena Shariif-nimadeyda. Waxaadse moogtihiin carrurta Xamar iyo Beydhabo ku dhalata in 20% loo bixiyo Shariif. Waa magaca ugu caansan Soomaalida koofureed maantay.
DIIRIYE HINGO: War mawaxaad leedahay waxaa inoo soo socda jiil wada Shariifyo ah! KKKKK.

SHARIIF MOOGE: Wa-saas! Haddi aan intaas kaftanka uga baxno, Xamar sidaad ogtihiin waa ciir ciirasay oo meelwalba oo Soomaaliya iyo addunka kaleba waa  laga kala yimid. Dooradshada madaxda Soomaalida ka sokow mashaariic iyo howlo gancsi oo aad bilan ayaa ka socota. Dowladda Turki-guna mashaariic wax ku ool ah ayey bilowday fulintoodii.
CABDULLAHI: Inigu waxaan ka yaabay nalka jidadka ka daaran iyo magaaladu say u iftiimayso. Wallahi ninkii Tarzan ahaa waa dadaalay.
SUUBAN: Mar hore ayey ahayd in aan shirarka ku qabsanno dalkeena. Si kasta oo dagaal noo dhexmay haddi la isaga kaayo bixilahaa waa-hore ayaan heshiin-lahayn ee yey ahaayeen cidda noo soo argtay in dalal shisheeye shirarka naloo-ku-qabto?

BILE: Cid aan dhaqanka Soomaalida aqoon ayey ahaayeen ciddi ku talisay shirarka dibadda. Soomaalida cid iska jecel ma jirto dagaal kasta oo dhaxmaray. Boolo-xoofleyntu waa banaankaas kore,  marka ay isu yimaadaan dhabanada ayey iska dhunkadaan.

DR. MUKHTAAR: Anigu waxaan joogay nin Safiir ah oo shir noo qabtay annaga oo aqoonyahanno beelaha Soomaalida ka kala socday ah oo boliis iyo ciidamo na kala celiya uu goobtii soo tumay. Madaama uu san safiirku horay noo aqoon wuu yaabay markuu arakay annaga oo dhabanada iska dhunkanaya oo wuxuu is-yiri amaad hal baal ah oo keliya u yeertay, nimankaanu beelihii is-dagaalsanaa ma noqon karaane.

SHARIIF MOOGE: Alle ma ogyahay! Idinku Xamar illaa xagaagi dagaalku bilowday mawaad joogteen. Sidaas bay ahay oo dadku jabhadeyntii iyo dagaaladii carcartii hore ee1991 kaddib saasaa shaaha loo wada cabbayey.

DR. MUKHTAAR: Aan idiin dhammeyee Safiirkii markii uu ogaaday inaan beelihii Soomaalida ka kala soconno ayuu noosheegay sidaan uga duwannahay ummdaha kale ee dagaalsanaa oo uu dhexgaley ama dhexdexaadiyey aqoonyahannadooda sida Ethiopia iyo Eritrea, Liberia, Congo iyo Falisdiin iyo Israil. Salaan iska daaye carada wajiyadooda ka muuqatay waxaan ka baqayey intii shirarkaas socdeen in gacan la isu qaado oo askarba kala dhextaagneyd.

DIIRYE HINGO: Waxa u sabab ah ma garanneysaan arrintaas?
BILE: Maye noo sheeg.
DIIRIYE HINGO: Wa arrin wayn oo dood qaran u baahan in laga yeesho oo aniga iyo rag iyo dumar badani goobo kala duwan ku muujiyeen walwalka ka haya in la la tirtiro am la dabargooyo arrintaas  wanaagsan oo nala ku sheego waxa saldhigga u ah oo ay keentay qaraabanimada iyo ehelnimadeedna aan wada nahay; islamarkaasna ka soo jeeda xuddudla’aanta degaamadeena iyo guurka dhasha beelaha dhexmara. Soomaali waa in ay ka doodaa dhibaatada dowlad goboleysigaan qabiilka ku dhisan oo u muuqda dad aan dhuuxikarin dhibta ay la imaaneyso ay horseedayaan.
CABDULLAHI:  Arrintaas waxbadan baad Diiriye Hingo noogu Celcelisay haddi dadkeena dheguhu u furanyihiin ee amaan ka war-gurnaa Shariif Mooge  xogta iyo xuuraanka Xamar uu ka hayo.

DIIRIYE HINGO: Aniga iyo inta igu fil-ka-ahuba waan soconaa oo dhawaan aakhiraan u sii jeednaa, marka ma rabo in aan dhinto anigoon goobo badan ka sheegin dhego badanna u sheegin dhibaatada dowlad goboleedyada qabiilka ku dhisano ay la immandoonaan. Waxaan rabaa in aan uga tago Soomaalida dardaarkaan digniinta xambaarsan oo aad moodid in xiisa-badan loo hayo manta dowlad goboleedyada. Nabigeenii suubana CSW ayaa yiri: Casaa an tuxibuuna shay-an wa-huwa sharrun lakum, wa casaa an tagrahuuna shayn wa-huwa khayrun lakum. Marka Jaceylak dowlad goboleedyada qabiileysan yaan lagu fogaanin maxaayeelay guurkeeni iyo isdhaxgalkeeni  buu kala qoqobayaaye.
ABDULLAHI: Waad mahadsantahay waana dardaarn wanaagsan waxaana rajeyneynaa in Ilaahi sub-xaanul-qaadirka ahaa nagu toosiyo tubta toosan. Shariif Mooge haye noo wad Muqdishu iyo waxay la circireyso.

SHARIIF MOOGE: Horta wax idinku-moogan oo badani ma jiraan oo “website-yada” ayaad waxwalba kala socotaan. Haseyeeshee wallow xulidii xildhibaanadu aysan dhammaan, Cabduweli Ali Gas gool  buu ka dhaliyey oo cayaar xariifnimo ah buu la cayaaray labadii nin ee ay dayuuradaha wada saarnaanjireen oo Shariifyada ahaa.

SUBAN: Oo cayrtaas maxay ahayd? Ma mid xulashada xildhibaanada ku saabsan baa misewaa Ra’isul wasaraha uu ku dhegganyahy oo uusan is casilinbaa?

SHARIIF MOOGE: Ra’isul wasaaraha uu isaga dhegganyahay illa saacadda u dambeysa xukun jaceylka madaxda Africa ka sokow wuxuu rabaa in howlihiisa doorashada oo dhan uu ku fushado oo murashaxiinta kale saddexdooda mooyaane bannaka ay taaganyihiin oo goobaha xulidda xildhibaanada uma soo dhawaankaraan, saddexdaanise gacanta ayey kula jiraan. Cabduweli labada kale wuxuu dheereystay oo gool ka dhaliyey 40kii wasiir ee dowldiisa ku jiray buu soo wada gelinayaa baarlamanka. Halkaas qeyb libaax oo codka siindoona tartanka madaweynenimada ayuu kaga helayaa murashaxiinta intooda kale. Meesha labada Shariif raggey wataan Calaamatu su’aal la saaray oo in xildhibaanimadooda la diido ay u dhowdahay.

DIIRIYE HINGO: War Cabduweli saan moodeynay ma aheyn marka! Jar belo ah buu u degay labadii shariif, maxaayeelay xildhibaanadii shariifyada beelohooda ka soo jeeday buu bar la degaya oo wasiira u ah, abaalka wasiirnimada ka sokow xildhibaanu ka dhigayaa. Hayaaay!

CARTE: Oo saas ma loo wada ogyahay? Murashaxiinta intooda kale maxay ka falayaan arrintaa.
SHARIIF MOOGE: Waxay ka sameynkaraan baaba iska yar? Murashaxiinta kale ayaga awalbaa geed lagu xiray, Cabduweli-na labadii Shariif buu geed ku xiraya.

DR. MUKHTAAR: Tacliintu Cayaar ma aha. Cabduweli labada Shariif buu adeegsaday in ay murashaxiinta kale geed isaga xiraan oo ay asan u soo dhawaan goobaha lagu xulayo xildhibaanada, markay howshaas la fuliyeena wuxuu u tafaxeytay siduu ayaga baalaha uga jari lahaa, siffiicanna waa ugu socotaa.

Abdulkadir Aden Jangeli | jangelione@yahoo.com

___________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 19, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login