Maxaa sababay inuu Professor Samatar fashiliyo xisbiga Hiil Qaran?

OPINION / FIKRAD | Dadweyne Soomaaliyeed oo badan ayaa rajo weyn ka qabay Xisbiga Hiil Qaran oo la filayay in dad siyaasadda fahmi kara oo badan horboodayaan Laakiin sidaasi ma noqon.. Rajadii laga qabay Hiil qaran ayaa mar qura baaba’day ayadoo dadweynihii candhuuftooda dib u laqeen. Waa maxay sababta?  La mood noqonse weyday!
1) Hiil qaran waxaa hogaanku qabtay oo musharx madaxweyne u noqday Axmed Samatar oo aan u qalmin inuu hogaamiyo Soomaaliya

Hiil qaran waxaa ka buuxay aqoonyahanno deggan Muqdisho oo una qalmay inay isu soo sharxaan madaxweynenimo laakiin aqoon yahanadaasi waa la boobay lana dhinac maray. Xisbiga Hiil Qaran lama yaqaan waxa ku kalifay inuu sidaas madaxa isga toogto ama ku kaco {political suiside} xataa hadii ay soo sharaxan lahaayeen Prof. Abdi Samatar maanta fursadooda waa fiicnaan lahayd. Laakiin nin aanan soconay oo aan dadka Soomaalida ka gadmayn weliba aanan u qalmin ayay soo hormariyeen.

Dad badan ayaa iweydiiyey sababta aan wax uga qorayo Axmed samatar oo cid walba ogtahay inuusan waxba heleynin oo dantiisa goor hore u sheegtay maqaamka hoose ee uu bulshada ka joogo ka dib markii 13 musharrax oo uu kujira isu tageen (calaal group). Waxaan u sheegay inay tahay waajib I saaran in aan u digo reer muqdisho maadaama aanay aad u garanayn Axmed ASamatar. Keligay maahan waxaa uu waajib saaran yahay qofkasta oo og musharaxiinta qurbaha ka imaanaya ee qladaya reer muqdisho iyo Soomaalida kale. Ama London joog ama Australia, ama Carabta, ama Canada ama America.
Ha ogolaan mushraxiinta aad taqaan inay qladaan reer muqdisho. Ceeb maahan xan maahan siyaasadda ma ahan arrin gaar ah kursigana waa lawada leeyahay. Haadii aadan u digin umadda Soomaaliyeed ayaad qalad ka gashay ee la soco. Waxaa jira dad idaacadaha ka qayliya oo ay dadka u qabaan inay wax tari karaan laakiin aanan u qalmin hogaaminta dalka ama aan waxtar ahayn sida aniga iyo Axmed Samatar waxaanan wadanaa magaca Professor dadna ma hogaamin karno. Waxaan ku fiicanahay macalinimo keliya.

Sababta aysan Soomaalida marna u dooran karin Axmed Samatar waxaa ka mid ah.
1) Karti darro. Asagoo Minnesota jaamacad madax ka ah ayuu xataa hal arday oo soomaali ah wax tari waayey. Axmed laguma arkin meelaha aradada Soomaalida joogaan iyi dugsiyadooda. Soomaali badan oo karti leh ayaa joogaan Minnesota kuwaas dhalinyarada aad wax u taraan iyo weliba dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ku nool. masuuliyiintaas Waxaa ka maqnaa oo aan marna xataa booqan xabsiyada dhalinta ku xiran yihiin Waa Axmed Samatar. Ninka Soomaalida Minnesota joogtaa wax tari waayey ma waxaa uu waxtarayaa Muqdisho. Jawaabtu waa maya.
2) Denbiile: Axmed samatar afkiisa ammaan lagama helin oo xattaa waxaa uu Soomaalidaa ku eedeeyey inaysan maraykanka daacad u ahayn oo ay jecel yihiin Soomaaliya ama aad ugu xiran yihiin Soomaaliya. Axmed waxaa uu yiri Soomaalida Minnesota waa labo shaar le oo aan marna daacad u ahayn Maraykanka lamana aamini karo. Lama garanayo axmed waxa ku kalifay inuu Radio public ah ku eedeeyo Soomaalida Maraykanka laakiin waxay u badan tahay inuu caddaanka iska dhisayey ama in naftiisa keliya la jeclaado uu rabay.
Axmed waa nin aan aqlaaq lahayn oo dagaal iyo qaylo u joog ah. waxaa uu u dhaqmaa sidii warlord ama ciyaala suuq ama qayru masuul. waxaa dhacaday inuu Soomaalida Minnesota ka qashqashaaday xafldo badan oo xataa marar qaarkood police loogu yeeray ama ilkaha laga daadin gaarey laakiin mar walba waa loo dulqaatay.
Fiir ama aqri oo dhagayso linkigan Radio Public Minnesota: (Halkan ka akhri)

3) Axmad Samatar waxaa uu qaldaa ama riwaayad uu u dhigaa reer muqdisho oo aanan garanayn inuusan waxba tarin asagoo isticmaala BBC. dadka yaqaan ama la nool shay kuma aaminaan. Ahmed waxaa lagu yaqaan qaaqlenimo. waxtar xumo, islaweyni bilaa macno ah, dulqaad la’aan. xishood la’aan.
4) Madaxweynenmada Soomaaliya waxay u baahan tahay dulqaad, iyo fahanka dadka iyo macquulnimo intaba Axmed ma haysto. Axmed soomaalida Minnesota ayuu fahmi waayey ee sidee ku fahmayaa Soomaali oo dhan. Axmed ma fahmi karo Somali (Out of Touch)

Waxaan leenahay Hiil qaran isdaba qabta oo musharx macquul ah noo keena. Axmed Samatar ha ku ekaado soomaalinimo. Laakiin uma qalmo hogaanka sare waayo dulqaad iyo faham ayay u baahan tahay Prof. Axmed Samatarnana raalli gelin ha bixiyo. Haddaan nahay Professoorada Soomaalida aniga iyo Axmed samatar dadka waxay noo haystaan dad karti leh ama maamul yaqaan ah. Runtii ma naqaan. Madaxweyne nimo waxay u baahan tahay qof taariikh fiican leh umaddana u soo shaqeeyey yaqaananana dad la dhaqan iyo xirfad faham labadeena Professorba waxaan u baahan nahay in aan iskuul ku laabanno oo dib u soo baranno xirfadaha lagama maarmaanka ah sida dabeecadda fiican, aqlaaqda, ixtiraamka, dad la dhaqanka iyo siyaasaddaba markaas ayaan umadda hor tegi karnaa.  Hiil Qaran -la mood noqonse weyday!

Prof. Geedi Yabarow USA. | GeediYalaxoow@yahoo.com
_______________________________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 19, 2012. Filed under Opinion / Fikrad, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

3 Responses to Maxaa sababay inuu Professor Samatar fashiliyo xisbiga Hiil Qaran?

  1. Geedi yabarow marka kowaad magacaadu ma aha geedi yabarow kolay waxaad tahay nin reer somaliland ah oo iska dhigaya reeraha muqdisho u dhashay, sidaa daraadeed ayaad oga soo horjeedaa profesarka, teeda kale qoralkaada waxaa ka buuxo (spelling mistakes) bal marka hore soo sax, qabyaaladana iska dhaaf profesarna ma tihid, ee qabyaaladiiste ayaad tahay.

  2. asc.
    websitekan waagii hore waa roonaa, laakiin afgambi ayaa lagu sameeyay dadkii ka shaqayn jiray yaan u malaynayaa, sababtoo ah waxuu noqday meel la isku caayo oo kaliya iyo inta wax aflagaadaysa, hadaan dib ugu soo noqdo ninka meesha wax ku qoray waxuu noo soo gudbiyay waa weerar shaqsi. ee lama oran karo waa fikrad ku salaysan wax qabadka hogaanka xisbiga hiilqaran, anigu ma ahi taageere xisbigan ama shaqsiga laga hadlayo laakiin waxaa ila xumaaday in inteenii wax baratay aan sidaan oo kale u hadalno.
    qodobada uu ka hadlay waxaa kamida ahaa inuusan ninka laga hadlayaa soo dhexgalin somalida minnesota ladagan hadana waxuu ku daray inuu dhowr xafladood ka qashqashaaday sidii ciyaalkii, see bay usuurtoobaysaa haduusanba soo dhexgalin inuu ogaado xafladahooda.
    teeda kale gudoomiyaha hiilqaran u tartami maayo gudoomiyaha muqdisho ee madaxwaynaha somaaliya ayuu u tartamayaa, marka aad leedahay dadka muqdisho ayaan u digayaa waxay xataa aflagaado ku tahay shacabka muqdisho,hadalkaaku waxuu u egyahay nin uu kaga adkaaday doorashada xilka gudoomiyaha, mida uu qoraagani ku saxsan yahay waa inuu og yahay inuu u baahan yahay inuu iskuul ku laabto.

  3. Geedi Yabaroow sxb jooji xaasidnimada aad wadid,adigu taada ka hadal ninkan hadii aad adigu necebtahay dad kale oo jecel aya jira Somali waxay kala garan la dahay arimaha shakhsiyaadka iyo danta guud.