Mar qura ayay Takbiirta Ciidul-fidriga ka wada yeertay wadamada Islaamka ah ee aduunka sanadaan ayadoona ay noqoneyso inta laga warhayo markii ugu horeysay oo sidaan oo kale isku waafaqaan Muslimiinta aduunka Ciidaan.
Kumanaan Soomaali iyo waliba Muslimiin Kenyan ah ayaa u wada dareeray aroornimada maanta oo Axad ah goobaha lagu tukado Salaadaha Jamaacada ee u gaarka Muslimiinta gaar ahaan duleedyada xaafadaha ay sida gaarka ah u dagaan Muslimiinta.
Xafada Islii oo inta badan lagu tiriyo in ay u badanyihin Soomaalida ayaa la arkay wadooyinka waaweyn ee soo galo oo ay aad u buux dhaafiyeen dadweyne aad u fara badan kuwaa oo doonayo in ay ku tukadaan Saalada Ciida goobaha loogu talagalay in xiligaan lagu tukado salaada ciida.
Caruur, hooyooyin iyo waliba Waalidiin aad u fara badan oo isjiidaya ayaa lagu arkayaa dhamaan goobaha lagu tukanayo Saalada Ciida xiligaan ayadoona guud ahaan magaalada Nairobi laga dheehan karo in xiligaan ay u camirantahay dadka Muslimiinta oo markaasi ku labisan dhar aad u qurux badan.
Inkastoo guud ahaan xeryooyinka wadanka Kenya oo ay ku dhaqanyihiin Qoxootiga Soomaalida ayaa hadana waxaa la ii sheegayaa in halkaasi ay jirto farxad guud ahaan wada saameysay dadkaasi ka dib markii ay soo Soomeen 30-cisho oo aan khilaaf laheyn ayna si wanaagsan usoo guteen waajibkii Alle.
Damaashaadka Ciidul-fidriga waxaa laga arkayaa guud ahaan gobolada wadanka Soomaaliya ayadoona sanadaan laorankaro waa xiligii ugu horeeyay oo ay sidaanoo kale isku waafaqaan guud ahaan Shacabka Soomaalida.
Magaalooyinka waa weyne ee wadanka sida :- Muqdisho, Jowhar, Baladweyne, Afgooye, Marka, Kismaanyo, Baraawe, Guriceel, Gaalkacayo, Boosaaso, Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka wadanka ayaa xiligaan waxaa laga maqlayaa takbiirta iyo damaashaadka ciidul-fidriga waxa ayna dadka isku marxabeynayaan munaasabadaan ayagoona inta badan dadka is booqanayo isuguna hanbaliyeenayo munaasabada Ciidul-fidriga sanadaan.
Kulu caamin wa antum bikhyr.
Mohamed Ibrahim Ayaanle
Nairobi–Kenya
+254-7-28862688
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login