Naadiyada Arsenal,Totenham,Liverbool iyo Aston Villa oo mid la qabtay iyo kuwa la garaacay Laga dhigay Furitaanka Horyaalka Ingiriiska 2012-2013

Naadiyada Arsenal,Totenham,Liverbool iyo Aston Villa oo mid la qabtay iyo kuwa la garaacay Laga dhigay Furitaanka Horyaalka Ingiriiska 2012-2013

Kooxda Newcastle ayaa Xalay Garoonkeeda Sports Direct Arena waxa ay fooda isku dareen Kulankoodii ugu Horeeyay ee Horyaalka ingiriiska 2012-2013 Kooxda Totenham oo uu xili ciyareedkaan u tagay macalinkii Hore ee naadiga Chelsea una dhashay Portuqal Andre Villas-Boas waxana Kulankaan oo ka mid ahaa Kulamadii shalay galab la sugayya Furitaanka Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 uu ahaa mid adag.

Kooxda Totenham iyo Newcastle waxa ay iska Lumiyeen intii lagu guda jiray Ciyaartaasi fursado qaali ah dhanka Totenham waxaa lumiyay Lenon. Bale, vs Defoe halka Newcastle isna uu qasaariyay Ba.

qeybtii hore intii aysan dhamaan waxaa Goolkii ugu horteeyay si xaraqo leh ugu Daahfuray Newcastle 19 Ba oo reer Sanegal u dhashay waxaana kubada iyadoon dhulka taaban uu goolka inay ku jirto ka Tusay goolhayaha Totenham waxaan qeybtii HoreLagu kala nastay 1-0 Lagu Hogaaminayo kooxda Macalin Boas ee Totenham.

qeybtii labaad markii la isagu soo Noqday Kooxda Totenham waxa ay heshay Gool uu qalinka ku duugay Defoe Kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-1 .
10ka Totenham horana Kooxda ugu xiran jiray lambarka 11 Vandervaart ayaa Ciyaarat soo galay kaasoo Xooga isbadal ah Galiyay

20ka Newcastle Ben Arfa ayaa rigoore ugu Quus gooyay Tababaraha Cusub ee Kooxda Totenham Boas waxaana ciyaartii ay ku soo Gabgabowday Newcastle oo 3 dhibcood Garoonkeeda uga tirsatay Totenham.

Kulmadii kale ee la ciyaaray ee Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 Arsenal waxaa qabatay Sunderland oo ku celisay 0-0,liverbool waxa garaacay west Bromwich oo uga badisay 3-0iyadoo lagu Ciyaarayay garoonka West Bromwich,Fulham waxa ay darsi goolala ah u Xambaarisay QPR oo ay ku suuldaartay 5-0 reading oo heerka 2 ka timid stoke city ayey ku kala tageen 1-1. West Ham oo ka timid Heerka 2 ayaa iyaduna 1-0 uga badisay Kooxda Astin Villa waxaana goolka ay ku Badiyeen u dhaliyay Ciyaarayahn Nalon.

Galabta Waxaa dhici doona 2 Kulan oo u dhaxeeya naadiyada. Wigen vs Chelsea.Man City vs Southampton oo ka Timid Heerka 2,

Waxaa Diyaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
uurdoox2011@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 19, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.