Saarkan “Waraabe” waxaan curiyey ka dib, markii ay soo shaac baxday, Arrintii ahayd in Goboladaa Jubooyinka laga bilaabay cunista iyo ugaadhsiga Waraabaha.
Arrintan oo Ugub ah oo ku cusub Geyiga Soomaaliyeed iyo maqalka dhegaha Ummadda Soomaaliyeedba, ayaa waxaa soo baxay guux badan bulshada dhexdeeda ah muujiyeyna in laga biyo diiday ,, Sidaa awgeed ma jirto baahi inagu kelifaysa inaan cuno hilibka Waraabha ama Habardugaag dhan, Haddaan Soomaali nahay,waxaan leenahay xeebta ugu dheer Afrika oo Kaluun(Malaay) nooc walba ku jiro, waxaan nahay wadanka ugu xoolaha badan Afrika waxaan haysaa meesiyo xoola ah oo kala duwan sida: Geela , lo’da , Adhiga, Digaaga, waxaan leenahay Ugaadh badan , Sida : Geriga, Biciidka, Lo’kisida, Garanuugta, Goodirka, Cawsha, Deerada, Sakaarada, Goroyadaiyo Digiirinka iqb sidda awgeed maadaama, bad iyo beri iyo webi mid walba aan ka helayno Hilib nagu fillan u malayn maayo inay jirayso ama daruuri ay noqonayso inaan cuno, Xayawaan aan hore loo cuni jirin, haddaba waraabihii oo arrintaas laftiisu ka murugaysan ayaa Saarkan tiriyey ee ka bogasho wacan:
Saarkii Waraabe
Aduunyadu waa wacaal
War iyo waydiimo wada
Waaga kuu soo beryaba
Wax uunbaa laga dhaxlaa
Duruus buu kuu wadaa
Waqtigu oo laga bartaa
Waxsheegiyo waana iyo
Wacyigelin baan wadaa
Bal weedhaydaa dhugtoo
Ku weeleeyoo cindiga
Qalbiga wehel uga dhigo
Walaal dhegihiina fura
Wawgii kale waxaan lahaa
Waraabe doodayoo
Waraaqo dacwa qoroo
Wadaadada diinta iyo
Waageerkaa madaxda iyo
Wasaaradaheena iyo
Wakiillada dunida iyo
Waqooyi bari u diray
Wuxuu yidhi weerarba
Dadku igu waalayoo
Waa lay waaxyeynaya
Sidii weedhaan laxdii
Wankeedii baan noqdoo
Warmaa lay wada sitaa
Waraaq baa igu dhacoo
Washaaqaa igu furmayo
Waxaan ahay magan Islaam
Wawgii kale waxaan lahaa
Waraabe doodayoo
Waraaqo dacwa qoroo
Wadaadada diinta iyo
Waageerkaa madaxda iyo
Wasaaradaheena iyo
Wakiilada dunida iyo
Waqooyi bari u diray
Wuxuu yidhi weerihii
Waraabe iyo Dhurwaa
Walow Mukulaal ku tahay
Weligood maysan jirin
Islaam walaqyada jaroo
Wacdina ku bannaysta
Wadnaha kala soo baxee
Maxaa wacay maanta oo
Walaaloow laygu galay?.
Wawgii kale waxaan lahaa
Waraabe doodayoo
Waraaqo dacwa qoroo
Wadaadada diinta iyo
Waageerkaa madaxda iyo
Wasaaradaheena iyo
Wakiilada dunida iyo
Waqooyi bari u diray
Wuxuu yidhi waa la yaab
Adoo waayeel hashii
Sacii waydaar ahaa
Wankaagii woodhaqa ah
Riyaha waaxyeysan kara
Ugaadhuna weel ku shuban
Waraabe maxaad ku fali?
Wawgii kale waxaan lahaa
Waraabe doodayoo
Waraaqo dacwa qoroo
Wadaadada diinta iyo
Waageerkaa madaxda iyo
Wasaaradaheena iyo
Wakiilada dunida iyo
Waqooyi bari u diray
Wuxuu yidhi wiil Dhurwaa
Waryaa Soomaaliyeey
Haddaad wadankii gubteen
Haddaad xaqa weeciseen
Haddaad wehelkii disheen
Walaalkiin iibsateen
Waabayo walaaqaysaan
Waraabe cun aad tihiin
Wacdaraha aad dhigteen
Wax sheega aduun ma jiro!
Wawgii kale waxaan lahaa
Waraabe doodayoo
Waraaqo dacwa qoroo
Wadaadada diinta iyo
Waageerkaa madaxda iyo
Wasaaradaheena iyo
Wakiilada dunida iyo
Waqooyi bari u diray
Ninkii waran kugu ganee
Wadnaha dacalkiisa muda
Waxaa abid kaaga daran
Midkii warwareejiyee
Warxuma kugu sii dilee
Wadaadka waa sax iyo
Xalaal la wareegayoo
Wallee hoog baad dhigteen.
Wawgii kale waxaan lahaa
Waraabe doodayoo
Waraaqo dacwa qoroo
Wadaadada diinta iyo
Waageerkaa madaxda iyo
Wasaaradaheena iyo
Wakiilada dunida iyo
Waqooyi bari u diray
Wuxuu yidhi weerarkani
Aduunya wareegtayoo
Aakhiro weydaaratoo
Samaanta ka weecatoo
Xumaanta ku waalanbaa
Waqtigu nagu soo simee
Wehelkii Soomaaliyeed
Wadanka aan wada lahayn
Maxay nagu weerareen
Wadnaha noo goynayaan?.
Wawgii kale waxaan lahaa
Waraabe doodayoo
Waraaqo dacwa qoroo
Wadaadada diinta iyo
Waageerkaa madaxda iyo
Wasaaradaheena iyo
Wakiilada dunida iyo
Waqooyi bari u diray
Wuxuu yidhi waagi hore
Waraabe haddaan ahaa
Baadida aan walamsan jiray
Xoolaha waaxyaha ka jara
Nimaan waxba reebanoo
Habeenkii weerar gala
Waxshiya oo aan xishoon
Waxaa iga daran Shabaab
Waraabe hadday cuneen!
Wawgii kale waxaan lahaa
Waraabe doodayoo
Waraaqo dacwa qoroo
Wadaadada diinta iyo
Waageerkaa madaxda iyo
Wasaaradaheena iyo
Wakiilada dunida iyo
Waqooyi bari u diray
Wuxuu yidhi macallinkii
Wacdigii mariyee aqriyey
Waraabuhu waa dawoo
Ninkii wadnihiisa liqa
Waslad hilibkiisa cuna
Fuudkiisa waraaba abid
Wuxuu noqon Maalikoo
Wedkuna dili maayo abid
Waayeelnimo kala tagoo
Wuxuu ku dhex waarayaa
Wareegta aduunyadee
Siduu u wanjalay bal daya!
Wawgii kale waxaan lahaa
Waraabe doodayoo
Waraaqo dacwa qoroo
Wadaadada diinta iyo
Waageerkaa madaxda iyo
Wasaaradaheena iyo
Wakiilada dunida iyo
Waqooyi bari u diray
Kitaabka wanaagsan
Xadiisku ma warininoo
Wadaadii hore ma qabin
Waraabuhu waa xalaal
Waxaa dhigay waallidaa
Wareershay adduunyadii
Shabaab wiilkii la baxay
Warjaafkii noo yimide
Wacdiga beena ah wadoow
Waraabihii wuu baxayoo
Wadanka ka dhoofyaye
Wixii ku hadhay u taal.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr | Galayr1977@hotmail.com
________________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login