Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Soomaaliya

Gudiga farsamada ee xulista Baarlamaanka oo maanta soo gudbiyay liiska xilibaanada cusub ayaa sheegay inay soo dhameystirayaan liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

Sida ay sheegeen qaar kamida gudiga farsamada oo diiday in magacooda aan xusno maalm ha soo socda ayaa la filayaa inay soo gudbiyaan Liiska xildhibaanada cusub oo buuxa, iyagoo ku wargeliyay Beelaha ku dhiman magacyada inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gudbiyaan xubnaha dhiman ama aay soo badalaan xubnaha la celshay.

Liiska aay soo gudbiyeen xilibaanada aya waxaa ka dhexmuuqday tiro badan oo kamida xilibanadi horay ugu jiray baarlamanka, Tirada hada ka dhiman baarlamaanka ayaa ah 73-Mudane, iyadoo beel walba ay u dhiman yihiin tiro.

Beelaha soo gudbiyay Xildhibaanada laga rabo boosaskooda ayaa kala ah Beesha Shanaad oo soo gudbisay 23-xubnood, Beesha Daarood oo soo gudbisay 40-Xubnood, Beesha Dir oo soo gudbisay 53-xubnood, Beesha Hawiye oo soo gudbisay 37-xubnood iyo Beesha Digil iyo Mirifle oo soo gudbisay 49-xubnood.

Baarlamaanka cusub ayaa la filayaa in kulankiisa ugu horeeyay ay yeeshaan 20-ka bishan oo ku beegan Isniinta, iyadoo waqtiga yahay mid gabaabsi ah,

Dhanka kale odayaasha dhaqanka qaar kood ayaa cabasho ka muujinaya gudiga farsamada iaygoo ku eddeyay in aay ku xad gudbeen galeena howlo aan loo dirsan iyagoona ku hanjabay inaay san soo gudbin doonin cid aan ahen xubnihi ay horay u diideen gudiga farsamada ee soo xulusta baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

___________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 19, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

 

2 Responses to Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Soomaaliya

  1. c/laahi maxamed biyow

    waxan u doorabnaya cod keyda maxame c/laahi maxamed farmanjo
    marka waxaa loo bahan yahay mumada somaliyeed in ay codkoda ay uugu shubaan nin wax ku ool ah

  2. c/laahi maxamed biyow

    waxan u doorabnaya cod keyda maxame c/laahi maxamed farmanjo