Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu dhaariyo tiradii ugu horreysay ee Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee uu dalku yeelanayo ayadoo islamaantana ay Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka marka la dhaariyo kadib dooran doonaan guddoon KMG ah.
Xaliimo Ismaaciil oo ah Guddoomiyaha guddiga farsamada ee soo xulaya Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka uu dalku yeelanayo ayaa tilmaantay in maanta ay magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan kulankoodii ugu horreeyey islamarkaana la dhaarin doono ayagoo marka la dhaariyo ka dibna ay iska soo dhex saari doonaan xubinta ugu da’da weyn oo shir guddoon u noqon doona.
Sidoo kale Xaliima ayaa tilmaantay in xubnaha maqan iyana dhawaan la dhaarin doono marka la soo gudbiyo magacyadooda, iyadoo xustay in isla maanta la dhaarindoono dhamaan xildhibaannada dhawaan magacyadooda la soo gudbiyay kuwaas oo gaarayaa ilaa 200 oomudane.
RADIO MUQDISHO
____________________________________________________–
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login