Mawarda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Deeq Lacageed Gaarsiisay Indhoolayal Ku Sugan Xarun ku Taala Magaalada Muqdisho.

Muqdisho Axad, 19, Ausgust, 2012 – Marwada Ra’iisul  Wasaaraha Soomaaliya, Prof. Hodan Siciid Ciise ayaa maanta deeq lacageed u qeybisay Caruurta  indhoolayaasha ee magaalada Muqdisho.

Prof. Hodan Siciid Ciise ayaa deeq lacageed gaarsiisay Indhoolayaasha ku xareysan Xarunta Indhoolayaasha ee ku taalla ee degmada Madiina  ee gobalka Banaadir.

Marwo Hodon Siciid Ciise Soomaaliya, Hodan Siciid Ciise ayaa deeqda lacageed bixisay si farxadda ciidda ay ugala qeyb qaadato carruurta indhoolayaasha ah.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta Caruurta Indhoolayaasha ah aan kala qeybqaato farxadda Ciidul Fidriga ah, Runtii aad baan u jeclahay Caruurta, Waxaana balan qaadayaa inta aan karo in aan xaaladda Caruurta Indhoolayaasha ah aan daryeeli doonno”.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay mid ka mid ah Caruurta indhoolayaasha ah wuxuuna tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay deeqda lacageed oo ay soo gaarsiisay Marwada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayna kala qeybqaadato farxadda dabaal degga Ciidul fidirigga.

Ugu dambeyntii Marwa Hodan Siciid ayaa caruurta indhoolyaasha ah ay mid mid u gaarsiisay lacagtii ay ugu talagashay iney siisyo munaasabadda Ciidul fidrigga awgeed.

Axmed Farax |  dhoodi222@gmail.com

_________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login