Qaraxyo is xig-xiga oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa Xalay Qaraxyo kala duwan ka dhaceen xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho kaa oo lagu weeraray Ciidamo katirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Midowag Afrika ee AMISOM.

Mid kamid ah Qaraxyada ayaa lagu weeraray Xarunta Ciidan ee Degmada Yaqshiid ku leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lamana oga qasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.

Qarax kale ayaa isnma ka dhacay Isgooska Baar Ubax waxana halkaasi uu qasaare kasoo gaaray ilaa afar qof oo Rayid ah oo la sheegay in ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa Baar ubax ka dhacay waxaa ka dambeeyay labo Wiil oo Bam gacmeed kusoo tuuray goob ay Ciidamada Dowlada kusugnaayeen halkaasina ay durba ka baxsadeen kooxdaasi.

Qaraxa sadaxaad ayaa isna ka dhacay Wadada Wrashadaha waxaana lagu weeraray Ciidamo katirsan Dowlada lamana soo sheegin Qasaaraha kasoo gaaray Weerarkaasi Ciidamadii lagu qaaday.

Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya xili Magaalada Muqdisho maalintii labaad looga dabaal dagayo Munaasabada Ciidul Fidriga iyadooan maalintii shalay iyo Saakay si heer sare ah Magaalada looga ciiday.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.