Saakay ayaa la sheegay in nin ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya uu rasaas bareer ah oo qasaaro gaysatay uu ku furay gaari BL-ah oo marayay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah Darawallada BL-ka ah ayaa sheegay in nin ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo doonaya in uu baarasho kula dhaqaaqo dad Rakaab ah uu rasaas oodda kaga qaaday Gaari ay saarnaayeen oo marayay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.
3-qof oo uu ku jiray Darawalkii kaxaynayay gaariga ayaa ku geeriyooday rasaasta uu furay ruuxaasi, halka Haweenay kalena ay ku dhaawacantay, iyadoo intaasi kaddibna uu isaga baxsaday goobta.
“ Dhibaatada nagula hayo ayay qeyb ka tahay, wuxuu rabay in uu dhac u gaysto Rakaabka, markii gaariga laga dhaqaajiyayna Xabado ayuu ku furay” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah Darawallada gaadiidka.
Xaaladda ayaa hadda degan, waxaan goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ka wada howlgallo baaritaanno ah, waxaana arrintaani ay qeyb ka noqonaysaa dhibaatooyinka la sheegay in kooxah ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ay u gaystaan dadka rayidka ah.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login