Qore: Prof. Geedi Yabarow | Inga oo dabasocda qoraalkii sammigay Prof. Geedi Yabarow oo cinwaankiisu ahaa “Maxaa Sababay inuu Professor Samatar fashiliyo xisbiga Hiil Qaran”
|
Maxaa sababay inuu Professor Samatar fashiliyo xisbiga Hiil Qaran? |
Prof. Geedi Yabarow oo ku eedeeyey Hisbiga Hiil qaran oo loo hanweynaa kuse kufay murashaxa madaxweynaha uu xisbigu u soo bandhigay ummadda Soomaaliya., ayaan jeclaan lahaa in aan si kooban oo qodobeyssan uga jawaabo.
1) Xisbiga Hiil Qaran sida xisbiyada addunka oo dhan ay ku dhaqmaan ayuu u soo bandhigay musharrax la aaminsanyahay in uu isbadal ka sameykaro Siyaasadda waddanka. Hadaba ayada oo la wada ogyahay marxaladda Soomaaliya mareyso ayaa kartida, hufnaanta , wadaninimada, aragtida, dhaqanka iyo aqoonta astaamaha u ah Prof. Samatar ayaa xisbigu u doortay in loo sharraxo madaxweynaha Soomaaliya si uu uga saaro Soomaaliya siyaasadda faashilka ah ee ku habsatay rubuc qarniga.
2) Sammigay Prof. Yabarow, wuxuu ku duray in Prof. Samatar uu san maamul wax ka aqoon sidiisa oo kale, lakiin uu ku fiicanyahy waxbaridda. Hadaba waxaa is-weydiin leh siday ku suurowday in uu madax ka noqdo jaamicad Mareykan ku taal 15 sano hadii uu san aqoon maamul iyo dabeecad iyo degganaasho khibradi ku dheehantahy uusan la hayn. Madaxda jamicaduhu dad iyo maal iyo kasbasho aqoon ayey maamulaan arritaas oo aan ka fogeyn sida dowladaha lagu maamulo wixii aan ahayn ciidamada qaranka.
3) Aniga iyo sammigay Prof. Geedi Yabarow weligayo in aan dusha kore ka aragno ma ahane waligayo jaamicad gudeheed ma anaan gelin sidaas darted waxba kama garnkaro maamulka jamicadaha iyo dadka madaxa u ah astaamihooda. Sidaasdarteed Prof. Geedi waa laba mid in uu yahy: Macalimiintii (PP) ku soo caan baxday ee dhigijiray dugsiyada hoose ee Soomaaliya oo sidayda oo kale Profassoro sheegta taasoo aad si sihal ugu ogaan kartaan “google-ka” jamicadaha aan jirin oo aan aniga iyo asagu dhigno iyo in uu fulay yahay ka baqay in uu sheego magaciisa runta ah oo aan maleynayo in uu labadaba isku darsaday maxaa yeelay tan dambana magaciisa ayaad ka garaneysaan oo laba siyood oo kala duwan uu u qoratay. Maah maahyaa waxay oraneysaa “Haddad been badantahay xasuus badnow” Marna Prof. Geedi Yabarow marna Prof. Geedi Yalaxow (eeg emailkiisa) buu isla qoraalkaan ku qorataye keebu noqon fuleygaani.
4) Aniga oo ogsoon in aan Prof. Geedi Yabarow iyo Pof.Geedi Yalaxow midkoodna ahayn qof-jira ee uu fulay qarinaya magaciisa runta ah oo doonaya in uu u soo dhardhigto been iyo cay uu magaciisi dhabta aha kala xishooday ayaa danta aan ka leeyahy maqaalkaan tahay in aan Soomaalida u soo bandigo in laga digtoonaado waxa la daabacyo in aysan run ahayn nuxurkooda ka sokow qoraalada qofka qorayaan uu BUG noqon karo sida Prof. Geedi Yabarow ama Yalaxow.
Prof. Geedi Yabaro | prof.g.yabarow@gmail.com
___________________________________________________________
Share on Facebook
Qarax qasaare geystay oo ka dhacay agagaarka Isbit...
Number 9-ka Qaranka Isbeyn Torres oo ku Guuleysta...
RW Gaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Muq...
Al Shabab defectors describe hunger and isolation ...
Real Madrid Spanish Super Cup Winner!
Talooyin madaxweyne iyo shuruudaha xulashada Ra’is...
Xiriirka K/Gacanta oo ka Qeybgalay Shirweynihii CA...
Private Army Formed to Fight Somali Pirates Leaves...
Madaxweyne Xasan oo gudoomay warqadihii aqoonsiga ...
Marwo Aamina xersi oo hambalyo u dirtay Marwo Fows...
Sawirro kulnakii Madax Qaranka iyo Urruradda Bulsh...
Ergada ka qeybgaleysa Shirweynaha Dib u habeynta G...
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
| Site Admin |
| Qaranimo on Facebook |
| Entries RSS |
| Comments RSS |
|
| Copyright @ 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved! |

beentu luga gaagaaban bay leedahay wakaa la fshiliyey,mahadsanid pro.yabarow.ha lays ixtiraamo somaliyeey,dalkeenu badbaado ayuu u baahan yahay yeeynaan iska dhaleeceen beena aynaan ka sheegin aqoonyahanadeena dib ugu soo noqday dalkeena hooyo si ay xaquuqduu ku lahaa ugu gudaan horumarna gaarsiiyaan,anigu ma ihi mid ka mida hiil qaran,shaqsi somaliyeed oo taageero u haya iyo ixtiraam aqoonyahanada somaliyeed iyo ruux walba oo somalia jecel baan ahay, ha noolaato midnimada soamalia.