Wararka ka imaanaya Villa Somalia ayaa sheegaya in habeennimadii xalay Villa Somalia aan laga Jiifan kadib markii ay buux dhaafiyeen Xildhibaanadii hore iyo kuwa hadda ee ku abtirsada Xarakada Aalla Sheikh
Kulamo gaar gaar ah oo habeennimadii xalay ka bilowday guddaha Villa Somalia ayaa lagu soo waramaaya inuu u dhexeeyay kulankaasi Madaxweynaha aan xilka wareejin iyo Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Augustina Mahiga iyo Xildhibaanada Xarakada Aalla Sheikh ugu jira Baarlamaanka dhacay iyo kan iminka lamagacaabay iyaga oona ka arinsanaayay habka ugu sahlan ee talada dalka ay usoo gali lahayd mar kale gacanta Aalla Sheikh
Xubnaha Aalla Sheikh ee joogay Villa Somalia ayaa habeennimadii xalay ku fashilmay inay xaliyaan Khilaafkii u dhexeeyay Shariif Sheikh Axmed iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Augustina Mahiiga labadaasoo ku kala fogaaday siyaasada caabon ee iminka kataagan Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho
Villa Somalia ayaa mudooyinkaani nasiib u yeelatay kulamo aan salka ku hayn xal u helinta dhibaatada Somalia waxaana lagu lafa-guraa sida xarakooyinka ay mar qurah ugu guuleysan lahaayen kursiga tartanka loogu jiro
Lama saadalin karo xaalada siyaasadeed ee iminka ka dhex taagan Guddaha Villa Somalia waxaana wali ku sugan Villa Somalia mudanayaashii habeennimadii xalay gaaray halkaasi.
____________________________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize