Meydka wiil dhalinyaro oo laga helay Hurwaa

Meydka Wiil dhalinyaro ah ayaa lagu arkay Xaafadda Suuqa Xoolaha, degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Dad deegaanka ah ayaa sheegaya in Meydka Wiilka dhalinyarada ah uu yaallo gudaha Xaafadda Suuqa Xoolaha, isagoo waliba jirkiisa ay ka muuqdaan rasaas culus.

Wiilka dhalinyarda ah ayaa da’diisa lagu qayaasay 25-jir, waxaana la ogeyn illaa iyo iminka cidda ka dambeysa dilkiisa, inkastoo illaa iyo iminka la aqoonsan la’ yahay Meydka wiilka.

“Xaafadda Suuqa Xoolaha ayuu yaallaa Meydka Wiilka dhalinyarada ah, xabado ayaa kaga yaalla jirka, cid aqoonsatay ma jirto” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deeganka ah.

Dilkaani waxa uu qeyb ka noqonayaa kuwa inta badan ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoo Saraakiil ka tirsan Dowladda ay sheegeen inay ka hortagayaan waxyaabaha falalka ammaaan darri ka abuuraya Magaalada Muqdisho.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 22, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login