Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland C/rashiid Maxamed Xersi ayaa soo dhaweeyay soo magacaabida xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in hadii laga gudbayo isqabqabsiga uu yahay mid fiican oo lasoo dhaweyn karo.
Hadalkiisa ayuu intaa raaciyay in shacabka Soomaaliyeed uu u rajeynayo inay helaan hogaan wanaagsan oo dalka wanaag ku dhaqi kara islamarkaana dhibaatada kasaari kara.
Maalin kahor ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday dhaarinta xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo soo dooranaya guddoonka Baarlamaanka iyo sidoo kale Madaxweynaha dalka.
Isbedelada ka dhacay dalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu hambalyeeyay aduunka oo dhan marka la eego horumarada la gaaray.
![]()
|
![]() |
Socialize