Ujeeddo: Soo dhaweyn Macagaabid Agaasime Guud

Iyadoo la tixraacayo wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha oo sumadeedu tahay Lr. 413, kuna taariikheysan 18/08/2012 , laguna magacaabay Mudane: Cabdidaahir Cabdiraxman Cabdi inuu noqdo agaasimah Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada.

Hadaba Wasaarada Arimaha Dibada, waxay si diiran u soo dhaweyneysaa magacaabistaasi oo saldhig looga dhigay Aqoonta, Kartida Shaqo iyo Waayo-Aragnimada Diblomaasiyadeed ee uu huwan yahay Agaasimaha Cusub oo muddo kabadan 4 sanadood ka shaqeynayay wasaaradda, isagoo soo qabtay jegooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin Agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika, kusimaha Agaasimaha Guud iyo Siihayaha Agaasimaha Guud oo ahaa xilkii ugu danbeeyay ee uu kushaqeeyay shantii bilood ee ugu danbeeysay.

Wasaaradda oo ku kalsoon shaqo hufnaanta iyo khibradda mudahana cusub ee lamagacaabay ayaa waxa ay rajeyneysaa inuu ku talaabsado howlo cusub oo horumarin kara Shaqooyinka Wasaaradda.

 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Email : info@mofa.gov.so
Mogadishu-Somalia

_______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 22, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.