Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay dowlada cusub ee Soomaaliya.

Xasan Daahir Aweys oo in muddo ah kamaqnaa warbaahinta iyo hadal heynta siyaasada Soomaaliya tan iyo intii la wiiqay awoodii Xarakada Al-Shabaab ayaa isagoo markii ugu horeysay lahadlay warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al-Shabaab sheegay inaysan u kala duwayn ”EEYIHII hore ee xilka hayay iyo EEYAHA cusub ee hada lasoo wado inay xilka kala wareegaan EEYIHII hore” waa siduu hadalka u dhegaye.

Xasan Daahir Aweys oo hadalkiisa intaa kudaray ayaa yiri “Baarlamaanka hada ladhisay iyo kii hore u dhisnaa inaysan waxab ku kala duwaneyn dhankoodana ay dagaalka kasii wadi doonaan”.

Waan lasoconaa is bedelka siyaasadeed ee kasocda dhankaa, wax micna ah ee ay xageena kaleeyihiina majirto ilaa ay joogaan ciidamo shisheeye iyo kuwo shisheeye kalkaalka ah, dagaalka aan kula jirnanana halkiisa ayuu kasocnayaa inaa aan geyiga Soomaaliyeed aan ku dhaqno shareecada ISLAAMKA ayuu yiri Xasan Daahir.

Xasan Daahir ayaa sheegay in weli dalka ay ka taliyaan dad Ajaaniib ah, sida Mahiiga oo sida uu doono ugu tarki falo danaha iyo dhaqaalaha dalka, isagoo ayuu yihi cidii uu rabo madax kadhiga, Xasan Daahir ayaa uga diga kuwa u hanqal taagaya inay ka noqdaan madax dalka uu ka taliyo Mahiiga hadii ay ka waantoobi waayaana talaabo ay kaqaadi doonaan.

Hadalka Xasan Daahir ayaa ku soo aadaya xili ay dalka kasocoto loolan siyaasadeed iyo musharixiinta Madaxweyne nimo ee dalka oo soo batay, iyadoo loolanka xildhibaanada ee beelaha Soomaaliyeedna uu tegay halkii ugu sareysay loolan siyaasadeed ee abid soo mara dalka Soomaaliya, taas oo ay ka danbeyso in dalka lagu wadi inuu kaboxo kumeelgaarnimada.

_____________________________________________________

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 22, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay dowlada cusub ee Soomaaliya.

  1. matildarage@gmail.com

    Xasan Dahiiro taallo farahaadii wey ka baxdey marna gal shabaab marna ka bax madaxweyne nimo waa ka xaraan ummadda aad dhihi jirtey malay ayaan ahay waa laa bixiyey biyihii, ee toobadaadalee ha seegi. Shalay shariif wiilkaada oo kaluu ahaa wax waad la wadagi kartey haddana raskampoodi waa lagaa soo buriyey shabaabna waa la jibiyey xisbigii aad shegan jirteyna magaciisaba waa la hilmaamey waxaad tagan tahay Afkii baa jugda gabay.

You must be logged in to post a comment Login