Baarlamaanka cusub ha kadoodaano shidaal qodista sharci darada ee Kenya

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koofurta Sudan Amb. C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Kenya ay sharci u siiso Shirkado shidaal qaabilsan shidaal qodista inay shidaal ka baaraan Xeebaha Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay Baarlamaanka cusub looga baahan yahay inay joojiyaan baarista iyo qodista shidaalka sharci darada ay ka wadaan shirkadaha reer galbeedka xuduudaha Badda ay wadaan Soomaaliya iyo Kenya.

“Kenya waxay ogolaansho u siisay (License) shirkado shisheeye inay shidaal ka baaraan Xeebaha Soomaaliya, waa in arrimahaas la joojiyaa”ayuu yiri Amb. Diinaari oo si gaar ah ugu baaqay Madaxweynaha iyo Xildhibaanada cusub inay si deg deg uga hadlaan.

Ambassador Diinaari ayaa sheegay in howsha socoto ujeedada laga leeyahay ay tahay in la hirgeliyo shidaalka in aanay imaan dowladda cusub ee Soomaaliyed, oo la filayo in bishan la doorto.

Safiirka oo arintasi sii ambaqaadayay waxaa uu sheegay in lakabayada biyaha (Block)  L21,L23,L24 oo ay  Kenya u ogolaatay shirkad Talyaani ah oo la yiraado ENI iyadoo L22 ay Kenya Licens  u siisay shirkad Faransiis ah oo la yiraado Total SA  ,halka Block L5  iyo  Block  L26 ay ka kala baarayaan shidaal shirkadaha  Mareykanka ee Anadarko Petroluem Cooperation iyo Norway State Oil oo laga leeyahay dalka Norway.

______________________________________________________________

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.