Faroole oo heshiis la galay shirkad hoostagta Qaramada midowday

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan faroole ayaa waxaa uu Maanta Xafiiska Madaxtoyada ee Dowladda Goboledka Punland ku qaabilay Shirkad Ajnabi ah oo Qaramada Midoobe u qaabilsan la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya.

Faroole iyo Hey’uadani ayaa waxaa la sheegay in uu dhexmaray Heshiis gaaraya ilaa 2 Sanno oo dhexmaraya Dowladda Punland iyo Shirkadaa, iyadoo uu Heshiiskaasi Ajandahiisu yahay in ay Dowladda Goboleedka Puntland ay kala qeyb Qaadaneyso Shirkadu la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya.

Heshiiskaani ayaa la sheegayaa in uu Madaxweynaha Puntland uu qalinka ku duugay, iyadoo uu Madaxweyha Puntland  sheegay in uu diyaar u yahay la Dagalanka Burcad Badeeda in ay kala qeyb qaadanayso Puntland Shirkadaani Qaramada Midoobe u qaabilsan la dagaalanka Burcad Badeeda.

Ugu danbeentii Dowlad Goboleedka Puntland ayaa horaan u waday howlgalo ay kula dagaalameyso kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada Puntland, waxeyna horaan Gacanta ugu dhigtay qaar ka tirsan Burcad Badeeda oo ay ku Riday Xakun Maxkamadeed.

_________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login