Faroole ‘Zenawi wuxuu ka geeriyooday Soomaali’

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, madaxweyne ku xigeenka C/samad Cali Shire iyo gudoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka C/rashiid Maxamed Xersi ayaa si wadajir ah maanta u tagay xarunta xafiis qunsuliyeedka Ethiopia ku leedahay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasoo ay ku saxiixeen buug loo furay tacsida Meles Senawi.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo kadib markii uu u tacsiiyey raysul wasaarihii dhintay ee Ethiopia ka hadlay ayaa sheegay in Senawi uu ahaa nin ka dhintay Afrika oo dhan, gaar ahaan Soomaalida. “Senawi kaliya Ethiopia kama dhiman, wuxuu ka dhintay guud ahaan Shucuubta Afrika, gaar ahaan Soomaalida, anagana waa naga dhintay” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

“Waan ka tacsiyeyneynaa geerida Senawi oo ahaa Ra’iisul wasaarihii Ethiopia, Soomaalidana saaxiib la ahaa” ayuu sii raaciyey Faroole. Madaxweyne Faroole wuxuu baaq walaac ku jiro u diray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ethiopia ee hadda xukunka la wareegay inuu raaco tubtii uu jeexay Meles Senawi.

“Waxaan ugu baaqeynaa raysul wasaare xigeenka hadda xafiiskii la wareegay iyo ragga kale ee la shaqeynaya inay raacaan dhibihii uu jeecay Senawi” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Meydka Meles ayaa la dhigay qasriga Madaxtooyada Qaranka, iyadoo aan ilaa weli la shaacin xiliga la aasayo.

 

Souces: QARANKA

_________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login