Howlgalo Balaaran oo ay Saake smeeyeen Ciidamada Amanka ee Degmada Karaan ku qaadeen 2 Isbaaro oo ay qaar Ciidamada Dowladda ka mid ah u tiilay qeybo ka mid ah Xafadaha Degmada Kaaraan ay ku qaadeen Isbaarooyinkaa.
Isbaarooyinkaani la qaaday aa waxaa la sheegay in ay lacag looga qaadan jiray Gawaarida isticmaala Wadooyinka ay yiileen Isbaarooyinka, iyadoo ay Howlagaladaani Saake uu ka warbixiyay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Kaaraan Cali Calasoow Xasan.
Dhanka kale waxuu Gudoomiyaha sheegay in ay Degmada Kaaraan ay ku Sugnaayeen 52 Ruux oo u Calaamadeesnaay Hey’adda Nabad Sugida ay Gacanta ku soo Dhigeen 2 ruux ka mid haa ragaasi, iyadoo uu tilmaamay in ay ragaani ka mid ahaayeen Xarakada Al-Shabaab.
Howlgaladaani ay ciidamada Degmada Karaan ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada ayaa ku soo aadaya Xilli dhawaan Degmadaasi loo Magacaabay Gudoomiye Cusub, iyadoo ay Degmada Kaaraan ay Mareyso Gudoomiyihii labaad oo Xilka laga qaadayo.
_________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login