Jen. Cabdi Qeybdiid iyo ciidan uu hogaaminaayo oo gaaray degmada Hobyo

Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Maamulka Galmudug Jen. Cabdi Qeybdiid iyo Ciidamo uu wato ayaa gaaray degmada Hobyo, iyadoo ay wehliyeen Xubno ka tirsan Maamulkiisa iyo Odayaasha deegaanka.

Wararka laga helayo degmada Hobyo oo lagu tilmaamo deegaanada saldhiga u ah Burcad badeedka ayaa sheegaya in Jen. Cabdi Qeybdiid uu qorsheynayo sidii dagaal ka dhan ah Burcad badeeda u qaadi lahaa.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa dhowaan sheegay in aanu u dulqaadan doonin in deegaanada Galmudug ay gabaad ka dhigtaan burcad badeedka, isagoo tilmaamay inuu dadaal u geli doono sidii deegaanada Maamulkiisa ugu soo celin lahaa nabadgelyo iyo nidaam.

Wariyeyaal la socda Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa sheegaya inay socdaan kulamo uu la leeyahay qeybaha bulshada oo ku aadan sidii Odayaasha deegaanka ay uga qeybq aadan lahaayeen ammaanka iyo sii deynta ajaaniibta ku jirta gacanta burcad badeedka.

1-dii Agosto ayaa markii la doortay Jen. Cabdi Qeybdiid balan qaaday in wax ka qabanayo ammaanka iyo falalka burcad badeedka ay ku kacaan ee afduubka ajaaniibta ah.

Dhul xeebeedka Mudug ayaa ah inta badan meelaha ay ku xoogan yihiin burcad badeeda, iyadoo lagu heysto maraakiib fara badan oo ay lacago madax furasho u heystaan.

_______________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login