Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda ee dalka Somalia, Dr. Augustina P.Mahiiga ayaa lagu wadaa in xilliyadda soo socda laga wareejiyo Xilka Xafiiska QM ee Siyaasadda Somalia ‘UNPOS’.
Mahiiga, oo bishan 28-da da’diisu noqonayso 67-jir ayaa waxaa soo baxayo inay ashtako badan ka gudbiyeen Dowladdo iyo Siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaasi oo ku eedeeyey Ergayga inuusan dhexdhexaad ka ahayn is-faham la’aanta u dhexeysay DFKMGS ee uu xilligeedu dhamaaday iyo Maamulka Puntland.
Siyaasiyiinta ugu muhiimsan Dowladda xilligeedu dhacay ayaa rumeysan inuu Mahiiga ku dhex milmay Siyaasadda Somalia, isla markaana uu ku tallax-tegay inuu awoodiisa ugu goodiyo Siyaasiyiinta iyo 0dayaasha Dhaqanka ee aan la dhacsanayn hab-dhaqanka Ergayga QM ee Somalia.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay tilmaamayaan inay Dowladda Uganda si hoosecabasho ugu gubdisay xubno ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM, oo ay ku codsatay in Mahiiga laga beddelo xilka Ergayga QM ee Arrimaha dalka Somalia.
Warar ku dhodhow Madaxda dalka Uganda, ayaa waxay sheegayaan in kulankii Madaxweyne Yuweri Museveni iyo Mahiiga toddobaadkii hore ku dhex maray magaalladda Entebee loogu sheegay Mahiiga inuu wax ka beddelo hab-dhaqankiisa, maadaama ay jiraan qaladaadyo loo tirinayo.
Dowladda Uganda, ayaa rumeysan inuu Mahiiga wax ka ogaa qorshihii Saraakiil badan oo Ciiddamadda UPDF ku waayeen Xilalkii Sare ee ay ka hayeen Taliska iyo Waaxyaha Hawlgalka AMISOM.
Museveni waxa kaloo uu Mahiiga u sheegay inuusan caqabad ku noqonin Heshiiskii Kampala Accord ee ay Madaxda Dowladda Somalia (Madaxweyne Shariif, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isul-wasaarihii hore ee Farmaajo)kala saxiixdeen bishii June 8, 2011.
Hadalladda Dowladda Uganda, ayaa waxa uu miisaan culus ku leeyahay Qaddiyadda Somalia, waxayna xubnaha Golaha Ammaanka ee QM iyo Dowladaha maalgeliya Hawlgalka AMISOM garwaaqsan yihiin doorka Ciiddamadda Uganda ku dhex leeyihiin Hawlgalka AMISOM.
Khubarradda ayaa rumeysan inuu Ergayga Gaarka, Mahiiga uu isbuucan bilowgiisa carro kula dul-dhacay Madaxweynaha DFKMGS ee uu xilligiisu dhamaaday, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo isagu jaal dhow la ah dhigiisa dalka Uganda.
Kalsooni-darradda Dowladda Uganda iyo Ergayga QM ee Siyaasadda Somalia, ayaa waxa laga cabsi-qabaa inuu dib u soo kiciyo Khilaaf soo kala dhex gala Uganda iyo Tanzania, oo iyagu bilowgii sannadihii 70-aadka dagaal kulul ku dhex maray Xuduudka ay wadaagaan.
Diplomaasiyiin ayaa rumeysan inuu Madaxweyne Museveni u gudbiyey xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dhigiisa dalka Tanzania, Jakaye Kikwete cabashadda ay ka qabaan Mahiiga oo isagu Diplomaasi Tanzanian ah.
Dhinaca kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka ee uu xilligeedu dhamaaday ayaa si qayaxan u sheegay inuu Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda ee dalka Somalia, Dr. Augustina P.Mahiiga faragelin ba’an ku hayo Geeddi-socodka Tubta Siyaasadda ee ay QM horey u ansixisay.
‘Waxa uu Mahiiga ugu hanjabay Madaxda Dowladda iyo Siyaasiyiinta kale, xitaa Odayaasha Dhaqanka inuu ku qori doono Liiska Qadwayaasha Nabadda Somalia ‘Somalia Peace Spoilers’, loona gudbin doono Golaha Ammaanka ee QM iyo Maxkamadda Caalamiga ee Hayg’ ayuu yiri Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federalka oo Saxaafadda ka codsaday inaan magaciisa la shaacinin.
Dhinaca kale, Dowladaha Carabta, oo ay Sacuudiga iyo Masar hor-boodayaan ayaa La-tashiyo ka leh qorshe ay ku doonayaan in Ergay ka soo jeeda dalalka Carabta ay QM u soo magacaabo Arrimaha dalka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda ee dalka Somalia, Dr. Augustina P.Mahiiga ayaa lagu wadaa in Toddobaadyadda soo socdo lagu dhawaaqo in Xilkaasi laga beddelayo.
Dr. Augustina P.Mahiiga waxa uu Xilka Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia loo magacaabay June 9, 2010, isagoo xilkaasi kala wareegay Ergaygii hore, Ahmedu 0ulkd Abdalla oo u dhashay dalka Murutania oo xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.
Mahiiga, waxa uu horey u ahaan jirey Danjiraha Tanzaania u fadhiya Xaeunta QM ee magaalladda New York.
Waa Aqoonyahan haysta Shahaadooyinka Bachelor of Arts (Education) oo uu sannadkii 1971-kii ka qaatay Jaamacadda ‘University of East Africa iyo Shahaadada PhD International Relation oo sannadkii 1975 ka qaatay Jaamacadda University of Toronto, Canada.
Ambassador Mahiiga, waa Xaasle 3 carruur leh, inkastoo warar kalena sheegayaan in markii loo magacabay Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia uu guursaday haweeney Soomaali ah oo u dhashay wiil.
DAAWO SAWIRO KA TURJUMAAYO DACWADA MAHIIGA
Madaxweyne Shariif iyo Dhigiisa Tanzania
________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login