Musharaxiin cusub oo u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka

Ilaa afar musharax ayaa si horu dhac ah isugu soo sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo lagu wado in 26-ka bishan ay dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.

Musharaxiintan oo ahaa siyaasiyiin horay uga soo mid noqday Xukuumadihii hore ayaa xilligan diyaar u ah tartanka loogu jiro xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Musharaxiintan ayaa waxaa ka mid ah Prof. Cali Khaliif Galeyr oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare, haatanse ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ahaa Gudoomiyihii Gudiga madax banaan ee Dastuurka, C/risaaq Jurile iyo Cabdi Cabdulaahi Xaashi oo horay u soo noqday Maareeyihii Golihii Murtida iyo madadaalada ee National Theatre.

Inkastoo qaabka awood qeybsiga iyo sida looga bartay cida isku soo sharaxeysa Gudoomiyaha Baarlamaanka ay sanadihii u dambeeyay aheyd mid Beelaha Digil iyo Mirifle ay isugu soo taagayeen xilkaas, ayaa hadana waxaa uu markan Tartanka saddex Mas’uul ugu sareysa dalka uu noqday mid furan oo beelaha ay u kala xusul duubayaan.

Labada Musharax ee kala ah Prof. Cali Khaliif Galeyr iyo Jurile waxay ka soo jeedaan beesha Daarood, waxaana hadii ay guuleystaan ay dhaawici doontaa rajada Madaxtinimada ama Ra’iisul wasaare ka qabaan Beesha Daarood inay helaan.

Sidoo kale Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ayaa hada la saadaalinayaa inuu yahay ninka loo badinayo jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ku guuleysanayo, waxaana hadii uu qaato noqon doontaa mid Shariif Xasan ka samri doona jagada Madaxweynenimo oo uu haatan u hanqal-taagayo.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka soo jeeda Beesha Dir, waxaa uu horay ula tartamayay Shariif Xasan markii labaad oo loo dooranayay Gudoomiyaha Baarlamaanka sanadkii 2010, doorashadii ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.

Waxaa suura gal ah inay saacadaha soo socda ku soo biiraan musharxiin hor leh oo laga yaabo inay ka yimaadaan beelo kale, waxaana hada la calaamadeynaya in musharax ka soo jeeda Beesha Hawiye uu ku soo biirayo musharaxiinta haatan shaacisay hankooda ku wajahan jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xaaladaha taagan ee siyaasada marba dhan u jiitameyso ayaa ah mid aan saadaal rasmi ah laga bixi karin, iyadoo wax walba isu bedeli karaan saacado gudahood, hadana dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in loolanka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho uu yahay kii ugu ballaarnaa abid soo marta Soomaaliya.

______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.