Shalay Jinni Boqor Maantana Jurille!

Dalka Soomaaliya oo muddo dheer ay ka taagneyd xaalad jaahwareer ah isla markaana la daalaadhacayey dhibaatooyinka ay keeneen ururada Qaybyaaladda lagu dhisey, Xagjirnimo, Saboolnimo, Burcadbadeednimo iyo Farogelin shihseeye ayaa bishaan August 2012 u ahayd mid rajo gelisey dadka Soomaalida iyo guud ahaan beesha caalamka, kadib markii la meel mariyey Dastuur kumeelgaar ah, isla markaana la dhaariyey Baarlamaan tiradiisu aysan badneyn ayna ka buuxaan dad aqoon iyo waayo aragnimo leh.

Waxaa maalmaha soo socda loo fadhiya qaabkii awoodda siyaasadda Soomaaliya loo qaybsan lahaa, waxaana diyaar u ah in ay Maandeeq qaybsadaan 5 Xisbi haddii aan magaca hagaajino, haddii aan si kale u dhigno 5 beelood ayaa u tartamaya sidii ay u kala heli lahaayeen 5 kursi kuwaas oo kala ah.

  1. Guddoomiyaha Baarlamaanka
  2. Guddoomiye kuxigeenka kowaad
  3. Guddoomiye kuxigeenka Labaad
  4. Madaxweynaha Dalka
  5. Raysalwasaaraha
  6. Iyo qaar kale

Istraatiijiyada Qaar Kamid Ah Musharixiinta

Laba iyo tobankii sano ee Dawladda Soomaaliya ahayd mid kumeel gaar ah shaxda qaybsiga Hasha Maandeeq waxa ay ahayd mid u dhisan sidan:

Madaxweynaha & Raysalwasaaraha waxa ay u dhexeysey Beelaha Daarood & Hawiye, Afhayeenka Baarlamaanka Digil & Mirifle, Kuxigeenka Raysalwasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda beesha dir.

Haddii aan dib ugu noqono 9 Sano ee Soomaaliya ay ka jirtey dawladdii rayidka ahayd ama dadku soo dooran jireen 1960 -1969 habqaybsigu waxa uu ahaa mid la mid ah kan maanta waxaana wax ka bedeley Rabbi ha u naxariistee Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke kadib markii uu Maxamed Ibrahim Cigaal ka dhigey Raysalwsaare.

Hadaba doorashada sanadkan oo markii u horeysey ka dhacaysa gudaha Soomaaliya ayaa u muuqata mid ka geddisan kuwii hore isla markaana beelaha qaar ay doonayaan in ay beddalaan dhardhaaradii hore ee kuraasta qaarkood u xirneyd.

Shariif Xassan Shiikh Adam (Jeopardise)

Beelaha Digil & Mirifle oo ka mid ah afarta (4) beelood ee la yiri waa kuwa waaweyn ee leh inta badan kuraasta baarlamaanka ayaa waxaa sandakan u sharaxan Madaxweynaha rag door ah, waxaase ugu saamenyn badan Shariif Xassan Shiikh Adam.

Shriif Xassan waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii dawladdii Carta ee Jabuuti lagu dhisey sanadkii 2000, waxa uu xiriir dhaw iyo mid xididnimo uu la yeeshey qaar kamid ah hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, sidoo kale waxa uu xiriir wanaagsan la samaystey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr.Cabdiqasim Salad Xassan, taas oo u sahashey in 2004 uu ku guuleysto in uu noqdo afhayeenka Baarlamaanka.

Sooyaalkii Shariif Xassan uma baahnaa in dib looga hadlo, qofkastana waa ogyahay, waxaase uu todobaad ka hor ku dhawaaqey in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha, waxaana uu ka codsadey Beeshas Digil & Mirifle in aysan isu sharaxin xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Shariifka oo ah nin Iskoolka kaga harey dugsiga hoose sida isagu sheegey waraysi Video ah oo Youtube-ka ku jira ayaa laakiin si weyn u yaqaan xirfadaha siyaasadda Soomaaliya ee burburka iyo jalaafada ku dhisan,laakiin wax kalasooni ah kuma qabo doonitaankiisa ah in beesha uu magaceeda ku soo galay aysan isu sharixin Xilka Guddoomiyaha.

Sidoo kale Beesha Digil & Mirifle kalsooni kuma qabto in Shariifku guul ka soo hoyi karo Doorashada Madaxweynaha, waxaana qaarkood u arkaan nin aan kaba tirsaneyn beeshooda oo Ashraaf ah, Waxaana qaar badan oo kamid ah indheer garadka Beelaha Digil & Mirifle ay ku doodayaan in waxa Shariif Xassan wado ay tahay miro gunti ku jira ay u daadinayaan kuwo geed saaran oo waa la waayey iyo waa la heley u dhexeeya.

Shalay Gen.Ilkajiir Maanta Shariif Xassan

Waxaa dad badan is weydiinayaan in Shariif Xassan uu horseed ka noqdo Isbedelkii sanadki 2009 ka dhacay Puntland kadib markii Gen.Ilkajiir uu Xildhibaanada Beesha Warsangeli (Maxamuud Harti) wacad kula maray in aysan isa soo sharixi karin isla markaana qabsan karin Garuunka ama Budhka Baarlamaanka lagu maamulo ee uu helaayo Madaxweynaha, waxaase taas bedelkidi dhacay in ay waayaan kursigii awood qaybsiga uuna ku soo baxo Guddoomiyaha hadda ee Baarlamaanka Puntland (oo ka soo jeeda beesha Tanade Daarood (Leelkase), waxaana laga hayaa khudbadiisi u horeysey “Kursigaan weligeey ayaan ku taamaayey” (recorded), kadib markii riyadiisi dhabawdey.

Shariif Xassan Shiikh Adam oo ah nin galaangal badan ku leh siyaasadda Soomaaliya saameyntiisuna aysan ahayn mid yar, ayaa si aysanba u dhicin in rajadiisu ku dhimato maalinta Axadda ah ee la dooran doono Afhayeenka Baarlamaanka waxa uu wadaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo taas uga gaashaamanyo, waxaana uu dhabarka ka riixayaa siyasiyiin ay aad isugu dhawaayeen mudadii 8 sano ahayd ee u danbeysey.

Shalay Jini Boqor Maanta Juurile

Doorashadii sanadkii 2004-tii waxaa si weyn loo saadaalineyey in Col.Cabdullaahi Yusuf (AUN) ku soo bixi doono Madaxweynaha Soomaaliya, waxaase maalmo jaahwarer ku ridey siyaasi caan ah oo ay muddo soo wada shaqeeyeen.

Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor) oo ahaa siyaasi muddo garab taagnaa siyaasadda Col.Cabdullaahi Yusuf (AUN) tan iyo Jamhaddii SSDF ayaa qoonsadey qaabka Korneylku ula dhaqmey kadib markii uu ka raacey Gen.Cadde Muuse isla markaana qiil qiil la geliyey xubintii Xildhibaanada uu ka heli lahaa baarlamaanka.

Jini Boqor oo ka dabaakhaya qaabka loola dhaqmey ayaa isu sharaxey Afhayeenka Baarlamaanka, waxaana uu si cad ugu dhihi jirey Beelaha Hawiye oo qaati ka taagnaa Musharaxnimadda Cabdadullaahi Yusuf eray caan ah isaga oo leh “…Haddii aad aniga i doorataan Cabdullaahi Yusuf idin dey…..”.

Doorashadii waxa uu ku haray wareegii kowaad, waxaana wareegii labaad isugu soo harey laba nin oo Digil & Mirifle ah Shiikh Adan Madoobe oo ay wateen Kooxdii SRRC iyo Shariif Xassan Shiikh Adam oo ayw ateen Kooxdii Carta + G8 iyo Bulshada rayidka ah.

Maalintii shalay waxaa soo baxdey in Prof. Juurile oo ah siyaasi caan ah ruug cadaa aqoon iyo khibradba leh uu u sharaxn yahay Xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, Prof.Juurile waxa uu Baarlamaanka Soomaaliya ka soo galay Beesha Daarood gaar ahaan Beelaha Harti haddii si kale loo dhigana deegaanada Puntland oo siyaasadda Soomaaliya saameyn ku leh, Musharaxnimadda Prof.Juurile waxa ay abuurtey su’aalo badan oo la iska weydiiyey.

Dooda kowaad: Waxay salka ku haysaa ka hortag Prof.Galaydh

Waxaa jira warar sheegaya in Prof.Cali Khaliif Galaydh uu baarlamaanka gadaal ka galay kana mid yahay xubno labaatan oo ah oo magacyadooda gadaal laga gudbiyey.

Prof.Galaydh ayaa horey loo sheegay in uu u sharaxan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayna weliba dhab ka tahay, Galadyh waa “Anti Federalisim” waxaana uu si weyn uga soo horjeeda siyaasadda maamulada qaar dalka ka jira isaga oo aan la gabban ama qarsan.

Galaydh waxa uu heli karaa codadka Beelaha Hawiye qaar kamid ah Beelaha Dir laakiin. Waxa dood ka taagan tahay Beesha uu ka soo jeedo ee Daarood.

Beesha Mareexaan waxa ay dooneysaa kursiga Madaxweynaha waana Daarood, mana doonayaan in Musharaxnimada Farmaajo mugdi ay gasho, Beesha Majerteen waxay doonayaan Madaxweynaha, waana Daarood, mana doonayaan in fursadooda la dhumiyo codkoodana ma heli karo, sidoo kale Beesha Warsangeli waa adagtahay in uu codkooda helo, waxaa taas u dheer in aanu heli karin codadka beesha dhulbahante oo dhamaystiran, Sidoo kale Beesha Absame codkoodu maaha mid uu ku xisaabtamayo.

Hadaba si looga hortago in Prof.Galaydh in uu helo codad ku filan haddiiba uu Baarlamaanka galay isla markaana isa soo sharaxo ayaa Prof.Juurile isu sharaxay waxaana uu kala dhantaalayaa codadka Prof.Galaydh heli karo.

Dooda labaad: Waa damac shakhsiyadeed

Sida aan sheegney Prof.Juurile waa aqoonyahan, ruug cadaa siyaasadeed weliba hal abuur ah, waxaana uu xaq u lee yahay in uu isu sharaxo xilkasta oo uu doono, taasi waa mid aan aaminsanahay, laakiin waa maxay waxa uu isugu sharixi waayey xilka Madaxweynaha, Waxaa dadka qaarkiis ku doodayaan waa mid uu wax ka soo falkiyey Shariif Xassan Shiikh Adam oo ay isu dhawaayeen muddooyinkii danbe, taas oo Shariif Xassan doonayo in uu ku badbaadiyo rajadiisa Maalinta Axadda kadib.

Dooda Saddexaad: Puntland aya wax ka og musharaxnimadda Juurile

Prof. Juurile waxa uu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 2004 markaas oo Eng.Siciid Maxamed Raage kursigiisi u baneeyey Juurile, waa nin xiriir adag la le leh maamulka Puntland, waxaana uu safaro badan la galay Madaxweynaha hadda Dr.Faroole.

Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole waxa uu saameyn weyn ku yeeshey siyaasadda Soomaaliya mudadii uu xilka hayey, waxaa dadka qaarkiis ku doodayaan in Dr.Faroole aysan dani ugu jirin Madaxweyne reer Puntland ah isla markaana ay aad u yaraneyso sameyntii iyo galaangalkii uu ku lahaa siyaasadda Soomaaliya, isla markaana la siin karin tixgelintii weyneyd ee uu ka heley Beesha Caalamka, halka dood kale ay tahay in Madaxweyne reer Puntland ah oo Soomaali oo dhan Madaxweyne u noqda uu isaguba u soo dhicin karo qoonadada Dr.Faroole u raadiyo oo ayba tahay “Durbaan Gacalkaa Hakuu Hayo Ama Garabka Hakuugu Jiro”.

Haddiiba ay dhacdo in in Budhka ama Garuunka Baarlamaanka uu qabto nin Daarood ah, ayna dhab u noqoto riyada Shariif Xassan ee ah in uu ka gudbo maalinta Axadda ah ee soo socota ayaa la isweydiin karaa maxaa dhici karaa haddii Shariif Xassan looga guuleysto doorashada Madaxweynaha uuna ku soo baxo Siyaasi u dhashey beelaha Hawiye, Miyaan gabbal u dumin Shariif Xassan?.

Marka hore ma noqon karo Raysalwasaare oo shahaahada uu haystaa waa dugsiga hoose sida isagu sheegey haddaanu mid suuqa ka soo gadan sida isagu sheegey in la dagan karo, raysalwsaaruhu waa in uu lee yahay aqoon jaamaceed iyo weliba khibrad sida dastuurku qabo.

Marka labaade Madaxweynaha la dooran dooro ayey ku xiran tahay qofka uu ka dhigaayo Raysalwsaare mana jiro qodob dastuuri ah oo dhigaya beesha uu ka imaanayo Raysalwsaaruhu, Waxaana uu ka dhigi karaa haddii uu doono Isla beesha Hawiye , waana midda kuwa wax qora ee u dhashey Beelaha Hawiye ay weli ugu dhaliilaan siyaasaddii Adan Cadde (AUN) uu Raysalwsaare ugu magacaabey Dr.Cabdirashiid Cali Sharmarke (AUN) waxaana ay ku doodaan waxay ahayd in uu magacaabo Cabdullaahi Ciise, Maantaba ha sameeyeen haddiiba ay u gasho.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo rajadiisa Musharaxnimo

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waa nin aqoonyahan ah kana soo jeeda Beesha Digil waxa uu muddo ka shaqeynaayey Dastuurka Soomaaliya, waxaana uu hadda u sharaxan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa horyaala fursad weyn ee uu ku noqon karo Afhayeenka baarlamaanka sida la sheegayo, waxa uu haystaa taageerada qaar badan oo kamid Xildhibaanada Baarlamaanka iyo weliba Beesha caalamka ee uu la soo shaqeeyey.

Inta badan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ayaa aaminsan in Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu yahay qof ku habboon xilka Baarlamaanka isla markaana leh waayo aragnimo uu ku maamuli karo haystana taageerada beeshiisa.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaatee Maalmaha soo socda waa kuwo xiiso iyo xamaasad leh, Waxaana la isweydiinayaa Juurile ma noqon doonaa Jini Boqorkii Shalay?, mise cid kale ayuu Janbal u dhigayaa?, mise waa Musharax dhab ah?, Sidoo kale waxaa las siweydiinayaa Shariif Xassan Shiikh Adam Digil & Mirifle ma u horseedi doonaa in ay hantaan jagada Madaxweynaha? mise laba gebi dhexdood ayuu dhigi?, Nasiibku waa belaayee armaa Madaxweynihii u horeeyey ee Qaad wale ahaan jirey Iskoolna ka saaqidey uu Soomaaliya Madaxweyne u noqdaa, sida dalka Peru uu madaxweyne ugu noqdey kaba caseeye ama baalashle hore Mr Toledo sanadkii 2001.

Eng.Ismail Haji Said Horseed Media
____________________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 23, 2012. Filed under Opinion / Fikrad, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.