759 Views

Kursiga labaad ee doorashada aqalka sare oo ku guuleestay Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

Kursiga labaad ee doorashada aqalka sare oo  ku guuleestay Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
____________________________________________________________________________

Khamikis: July 29 2021

Kursiga labaad ee doorashada aqalka sare ka socota magaalada Kismaayo, waxaa ku guuleestay Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, kaas oo helay 71 cod ka dib markii uu u tanaasuley murashaxii la tartamayay oo ahaa Axmed Maxamed Jaamac

Waxaa uu Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag noqday senatorkii ugu horeeyay oo dib loo soo doorto, maamulka Jubaland ayaa maanta bilaabay doorashada aqalka sare ee baarlamaanka 11 aad.

Doorashada kursiga koowaad waxaa ku soo baxay Ilyaas Badal Gaboose, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubaland, Cabdi Maxamed C/raxmaan, isagoo sheegay in 73 xildhibaan ay kula codeeyeen labada murashax.

Xildhibaanada dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta dooranaya affar senator oo kamid noqoneysa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post