Gudiga doorashada baarlamaanka cusub oo shalay isu qeybiyay Gudiyo ka shaqeeya howlaha doorashada ayaa sheegay in maanta oo taariikhda tahay 23-ka Agosto ay bilaabaneyso diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.
Afhayeenka Gudiga doorashada Cusmaan Libaax ayaa sheeegay in shuraadaha laga rabo musharaxiinta ay tahay inay soo gudbiyaan araajidooda maanta 9-ka subaxnimo ilaa 2-duhurnimo.
“Musharaxiinta waxaa laga rabaa inay araajidooda soo gudbiyaan labada maalmood ee taariikhda tahay 23-24, saacada marka ay tahay 9-ka subaxnimo ilaa 2-da duhurnimo, waxay keenayaan araajidooda hoolka VIB-da garoonka diyaaradaha”ayuu yiri Cusmaan Libaax.
Sidoo kale waxaa uu xusay in shuruudaha laga rabo musharaxa ay tahay mid Gudiga isla gartay, isla markaana musharax walba uu soo gudbiyo File ka kooban codsi iyo labo sawir iyo CV-ga iyo lacagta diiwaan gelinta.
Shuruudaha ayaa waxay kala yihiin:-
Ugu dambeyn waxaa uu gudiga sheegay in doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ay dhaceyso 26-ka bishan oo ku beegan maalinta Axada.
________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login