Guddiga Doorashooyinka ayaa shuruudo hordhigay musharixiinta u tartameysa xilka afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, Guddoomiyihoo hore Baarlamaanka DKMG Somalia ahna Musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee Somalia Shariif Xasan Sheikh Aadan oo la hadlaayay masuuliyiinta u taagan xilka galabnimadii shalay sheegay inay maalinta Khamiista 23/8/2012, ay bilaabayaan qabashada codsiyada musharixiinta u tartameysa xilka afhayeenka baarlamaanka iyo labada gudoomiye ku xigeen
AQRISO SHURUUDAHA LOOGA BAAHANYAHAY MUDANAYAASHA XILKA U TARTAMAAYO
1- In musharaxa u tartamaya xilka afhayeenka iyo labada ku xigeen ay yihiin xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.
2- In musharax kasta uu soo gudbiyo codsi qoraal ah oo wata labo sawir oo midab leh.
3- In musharaxa uu soo cadeeyo jagada uu doonayo inay tahay afhayeenka ama inay tahay ku xigeenada.
4- In musharax kasta uu iska bixiyo lacag diiwaangelin ah oo gaareysa sidan;
– Jagada Afhayeenka = $3,000 (Saddex kun doolar)
– Jagada gudoomiye ku xigeenka 1aad = $2,000 (Labo kun doolar)
– Jagada gudoomiye ku xigeenka 2aad = $1,000 (Kun doolar)
Khasnajiga guud ee guddiga doorashada waxaa loo magacaabay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, halka ay xubno ka yihiin Cismaac Libaax, Fowsiyo Maxamed iyo Sheegow oo dhamaantood ka mid ah xubnaha Shariif Xasan ugu jira baarlamaanka cusub.
Si kastaba waxay doorashada afhayeenka iyo labada ku xigeen dhacaysaa maalinimada Axada ee ku beegan 26-ka Agoosto waxaana la filayaa in musharixiin farabadan ay isu soo taagaan jagada afhayeenka baarlamaanka.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login