Shir Deg-Deg ah oo Beesha Tunni ka soo saartay hanjabaada Taliyaha Ciidanka Boliiska General Maxamed Cusman Madaale
Waxaa maanta shir deg deg ah ku qabsaday magaalada Columbus, Ohio oo ka tirsan dalka Mareykanka odayaashii iyo Waxgaradkii, Hooyooyinkii, Beesha Tunni iyo Qowmiyado kale oo ka tirsan ummada Soomaaliyeed oo ka wada hadlay dhibaatooyinka uu S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye uu ku hayo beesha Tunni oo dhan oo uusan jirin cid uu wax ka maqlayo iyo cid uu dhageysanayo midnaba.
S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye waa wax la ogyahay oo jaraa’idyada iyo websiteyadaha ku qoran beesha Tunni ummadaheeda oo dhan ay ka warqabaan in uu rabo nin asaga ay ilmo adeer iyo isku jufo hoose wada yihiin uu u xoogo saldanada beesha Tunni, laakiin waxaa ay odayaasha oo dhan ay isku raaceen in wax lala yaabo ay ku noqotay habka anshax xumidda uu ku dhaqmaayo S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye aanan la qaadan karin qodobada lagu haysto S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye waxaa ka mid ah:
1) Been abuurka uu ka been abburanayo xoghayasuldaan Faqi Said Faqi Cabdullaahi Cabdi Shire Sheekh oo uu xirtay oo uuna ku soo biyo jir dil arimo la xiriira saldanada iyo la xiiriirka Suldaan Faqi Said Faqi.
2) Hanjabaad oo u hanjabayo cidwalba oo la shaqeeyo Suldaanka.
3) Shaqo ka ceyris uu ka ceyriyey nin kabtan boliiska ahaa Airbortiga Aadan Cade oo si heer sare ugu soo dhaweeyay Suldaankiisa Beesha.
4) In uu taliyaha ciidanka boliiska ugu hanjabayo odayaasha Tunni oo ka biyo diiday in ay saxiixaan documenti been ah oo lagu qirayo Suldaan been abuur ah.
5) Qodobka cajiibka ku noqotay odayaasha ayaa waxay tahay in uu odayaal uu ku hanjabay haddii aad taageertaan Suldaan Faqi Said Faqi uu magacyadooda ku dari doono liiska Al-Shabaab oo uu xirxiri doono ayaga oo dhan.
Ugu dambeeyntii waxay isku raaceen odayaasha in ay S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye uu ka istaajin waayo hanjabaadka uu ku hayo shacabka Beesha Tunni ay warqad dacwad ah ay ka gudbinayaan taliyaha iyo ninka uu asaga xilka u saaray oo ay saxiib hoose yahiin General Maxamed Cusman Madaale Dawlada Soomaaliyeed, United Nation Under African Affiars, EU iyo Sweden oo uu jinsiyadeeda haysto Taliyaha Ciidanka Boliiska.
Sababtoo ah Dawlada ku meel gaarka ah oo uu waqtigeeda dhamaaday iyo Ambaasadoor Mahiga oo u qaabilsan UNDP wax ay ka qabateen ma jirto dhibaatada ka taagan beeshan.
Waxaan ka codsaneynaa Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Digil/Mirifle in ay arintaan wax ka qabtaan ayna ka hadlaan xaq darida iyo in lagu shaqeesto xilka loo hayo Dowlada oo lagu badalo in dadka wax logu gaysto ama lagu dhaawaco.
Gudoonka Shirka.
Sheikh Ali Mohamed Deeyoow | shangamasmsn.com
____________________________________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
WAA TAN CADEYMAHA IN SH. SHEEKHUNAA UU KU SHAQEYSTO XARIIF SAKIIN, AYNA QORHSEEYEEN INEY WEERARAAN MADAXTOOYAA.
War deg deg ah: HUB UU LAHAA AADAN SARAN SOOR OO AMISOM QAADATEY KADIB MARKII LAGU SOO BASAASEY
August 25, 2012
WAAJIDPRESS: Aadan SARANSOOR oo KA soo jeeda Digil IYO Mirifle ahaana Taliyaha Ciidamada RRA ayaa maanta Gurigiisa weyn oo ku yaala Madaxtooyada SOOMAALIYA agteeda AY AMISOM TAGTEY kana soo bixisey Hubkii ugu badnaa EE shakhsi laga qaado.
Hubkan aad IYO aad u faro badan oo noocyo kala duwan leh ayaa loogu tegay guri ku yaalla degmada Wardhiigley oo dhowr tallaabo u jira xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaasoo uu Lahaa Aadan Saransoor.
Guriga hubka laga helay ayaa beryahanba waxaa ka taagnaa dood ku saabsan lahaanshihiisa kadib markii qoyskii iska lahaa oo mudo dheer dibadaha ku maqnaa oo dhowaan soo laabtay ay u dacwoodeen in gurigooda la siiyo.
Waxaana ugu dambeyntii Maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuntay in guriga laga saaro rag hubeysan oo ilaalo u ahaa Aadan Saransoor oo guriga ay dejisay dawladii Madaxweyne C/laahi Yuusuf .
Hawlgal labo maalmood qaatay oo ay fuliyeen ciidamada nabadsugida Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntii ay ku suurtagashay in guriga oo u dhow safaaradii hore ee Yemen laga saaro dadkii ku jiray, waxaana qoyskii iska lahaa ay dalbadeen in la baaro guriga si loo hubiyo wixii qalab ah ee ay dadkii hore u deganaa guriga iska leeyihiin si aysan dacwad kale uga imaanin, waxaana baaritaankiisa uu sababay in qeybo dhan oo guriga ka mid ah laga helo hub noocyadiisu kala duwan yihiin oo ku keydsanaa.
Noocyada hubka iyo tiradiisa
Saraakiil ka qeybqaatay hawlgalkaasi oo
WAAJIDPRESS u waramay ayaa faahfaahin naga siiyey tirada hubka iyo noocyadiisa, kuwaasoo kala ah sidan;-
- Qoriga DHSK = 125 Xabo
- Qoriga BKM= 250 Xabo
- Qoriga RPG = 300 Xabo
- Qoriga AK47 = 300 Xabo
- Qoriga Hoobiyaha = 222 Xabo
- Bambooyinka gacanta (F1) = 3,200 Xabo
- Rasaas aad IYO aad u fara badan isuguna jirta noocyada kala duwan.
Muranka ka dhashay hubka:
Sida saraakiisha u sheegeen BANA , intii hawlgalka hubkan lagu soo qabtay uu socday waxay ciidamada nabadsugida la kaashadeen ciidamada AMISOM gaar ahaan cutubka Uganda ee ilaaliya madaxtooyada, waxaana su’aalo la weydiiyey qaar ka mid ah ilaaladii hore ee guriga u joogtay intii uu deganaa Aadan Saransoor iyadoo hubka iyo rasaastii loo daabulay madaxtooyada Villa Soomaaliya oo lagu hayo illaa hadda.
Dood xoog leh ayaa arintan ka taagan illaa hadda kadib markii taliyaha booliska Gen Shariif Sheekhuna Maye oo KA soo jeeda TUNNI-DIGIL IYO MIRIFLE iyo Aadan Saransoor oo wada socda ay u dacwoodeen AMISOM iyagoo sheegay in hubka lala wareegay uu ahaa hub beeleed lana soo celiyo, arintaasoo AMISOM weli ka biya diidsan.
Madaxeynaha waqtigiisu dhamaaday ee Shariif Sheekh Axmed iyo taliyaha booliska Gen Sheekhuna Maye oo aad isugu dhowaa ayaa iyaguna hadda ku kala tagay arinta hubkan laga helay meel u dhow madaxtooyada, waxaana wararka qaar ay sheegayaa in madaxweynuhu amaray in xilka taliyaha booliska uu sii wado taliye ku xigeenka booliska illaa inta doorashada madaxtinimada ay ka dhacayso oo dawlada cusub xilka kala wareegeyso.
Saraakiisha Villa Soomaaliya waxay kaloo codsadeen in la baaro halka hubka uu ka yimid markiisii hore iyo ujeedada loogu keydiyey guri ku dhow madaxtooyada.
WAAJIDPRESS waxay isku dayday inay arinta hubka wax ka weydiiso saraakiisha sare ee AMISOM hase yeeshee way ka cudurdaarteen ka hadalka arintan maadaama weli muran uu ka jiro hubka lala wareegay. Arinta waxay u eg tahay in muranka ka dhashay hubka lagu xiriirinayo loolanka doorashada ee hadda u dhexeeya masuuliyiinta hore ee DKMG ah oo dhamaantood ah musharixiin.
Posted in Uncategorized | Leave a Comment »