Xaggee martay lacagtii dhismaha Stadium Muqdisho?

Xaggee ayay martay lacagtii loogu tala galay dhismaha Stadium Muqdisho?

The Goal project waa barnaamij ay ugu talo gashay FIFA in dib loo dhiso garoomada kubada cagta lagu ciyaaro ee wadamada dagaalada sokeeye ay wax yeeleen. FIFA ayaa waxaa loo soo gudbiyay sanadka markuu ahaa 2008 qorsho ah in dib loo dhiso Stadium Muqdisho.

FIFA ayaa waxey ogolaatay iney ku deeqdo Xiriirka Kubada Cagta ee Somaliya lacag gaareysa USD 1,159,806 si dib loogu dhiso Stadium Muqdisho. Hadaba waxaa is weydiin leh xaggee ay mareen lacagahaasi iyo qaabka loo qaatay?

Dad faro badan ayaa waxey ka hadlaan Sportiga Soomaaliya iskana dhiga iney wax u qabanaayaan laakin nasiib darro ka ma hadlaan runta waxey isku mashquuliyaan wax aan micno laheen. Dadkasi waxaa haboonaan laheyd iney ka hadlaan lunsiga loo geeysanaayo Sportiga iyo UbadkaSomalialacagahii wax lagu qaban lahaa halka ay martay.

Hadaba lacagahaasi sida aan qabo iney wada galeen af libaax haddii arrintani laga aamusana micnaheedu waxey tahay in raali laga wada yahay iyo cid walba oo jago sport rabo inuu qabto uu lunsi u socdo.

Waxaan aaminsan nahay in Sportiga loo shaqeeyo ma aha in lagu shaqeeysto. Ugu dambeyntii waxaan idin xusuusin lahaa su’aashii qiyaamo iney qof walba ay sugeyso.

Xigasho:

http://www.fifa.com/associations/association=som/goalprogramme/newsid=798422.html

Financing of Goal project of the Banadir Stadium in Mogadishu (PDF format – ku akhriso)

            

              

Mohamed Ali Haji Shiikhey | mahaji77@yahoo.com

______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 24, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.